Madaxweynaha Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Laba Sarkaal Oo Toogasho Lagu Dilay, Amarna Bixiyay

Hargeysa(Hayaannews)- Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Ciidammada Qaranka, shacbiga Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen labada Sarkaal oo ka tirsanaa ciidammada Booliska iyo Asluubta.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Hayaannews, Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidammada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-
1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay galabta dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Deegaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yagoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidammada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland