HAYAANNEWS.NET
Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Xidhay Shirweynaha Afraad Ee Xisbiga KULMIYE DAAWO SAWIRADAN
October 6, 2020 - Written by admin
·
Hargeysa(Hayaannews)-Madaxweynaha
jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay
shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalmahan ka socday caasimadda
Hargeysa.
Shirweynaha Afraad ee xisbiga
KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu
soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku
ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo
kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku
sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.
Madaxweyne-ku-xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo
xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey ergeda ka qaybgashay
shirweynaha iyo habweynta KULMIYE sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku
socday.
Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa
uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay
isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan oo ay muhiimadda
koowaad siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan leeyahay
dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada
gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka
intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u
aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu
tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa
xisbinimadu inay qiime yeelato.”
Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe
Maxamed Faarax, ayaa bogaadiyey
hoggaanka cusub ee ergadu dooratay, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku
dhiirrigeliyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn
lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee goleyaasha wakiillada iyo
deegaanka, siina laban laabaan
xamaasaddii iyo isku-duubnidii lagu yaqaannay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga
KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn waxa uu bogaadiyey guddidii
qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka
shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba
bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo
kalehambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo
bilaabmay Shidan oo katirsan gobolka
Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha,
waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay
sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay
xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas
nabadda lagu xoojinayo.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa
uu shacabka u caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo
dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen
xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay tallaabo loogu dhawaanayo doorashooyinka
goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu yidhi, “Waxa war fiican ah in
golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo
Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa
farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa.”
Madaxweynuhu waxa uu baaq garnaqsi iyo hogo-tusaalayn ah u diray beesha caalamka ee ka caga-jiidaysa horumarka iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaadday, isaga oo gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo dawladnimadeeda, “Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen, waxannu leenahay in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu leenahay ma qabato Somaliland Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Related
COMMENTS
|