Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda
iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa
qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu
ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha
dekeda Jabuuti, kuna geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu
si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,
Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”