Madaxweynaha Somaliland Oo Wasiirkiisa Maaliyadda U Diray Dalka Koonfur Afrika
November 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews) –
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiirkiisa Maaliyadda Dr.
Sacad Cali Shire u diray Dalka Koonfur Afrika.
Wasiir Sacad Cali Shire
ayaa Toddobaadkan ku maqan Dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu ka ambo-baxay
Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Illaa hadda si rasmiya
looma oga ujeeddada uu Madaxweynuhu uu Wasiirka Maaliyadda ugu diray dalka
Koonfur Afrika, balse waxa la saadaalinayaa inuu u diray hawl gaar ah.
Wararka uu Wargeyska
Afrika helay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Somaliland uu Maalmihii u
dambeeyay ku mashquulsanaa inuu sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda sare ee dalka
Koonfur Afrika.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Toddobaadyadii u dambeeyay ku maqnaa dalka dibeddiisa, waxaana suurto-gal ah in Wasiir Sacad ooo diray inuu kaalintaa buuxiyo.
Ma jiro xidhiidh la
yaqaan oo ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Koonfur Afrika, inkasta oo
Safarkani ka mid noqon karo dedaallada Xukuumadda Madaxweyne Biixi wadday
isla-markaana hore loogu galaa-baxayey dalalka Afrika qaarkood.