Madaxweynaha Uganda Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Weyn Oo Soo Saari Doonta Sonkorta
October 23, 2020 - Written by admin
Yuganda(Hayaannews): Madaxweynaha
Uganda Yuweri Musafeni ayaa xadhiga ka jaray Wershad weyn oo Sonkorta soo saari
doonta taas oo Aamina Mooge, ka
hirgelisay gudaha waddankaasi.
Drs. Aamina Xirsi Mooge
oo ah gabadh Soomaaliyeed , ayaa dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah
ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ,
waxayna ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgeliso warshadda ugu
weyn Afrika ee soo saarta Sonkorta, oo lagu magacaabo Atiak, taadoo horumar iyo
dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba.
Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku dhex leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay , waxaana xusid mudan in ay horena uga hirgalisay dalkaasi warshad soo saarta sibidhka iyo qalabka dhismaha.