Madaxweynaha Ukraine Oo Ka Hadlay Dagaalka Maalintii Labaad soconaya Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey.

Kyiv (Hayaannews):– Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo sheegay in aanay ka baqanayn Ruushka, isla markaana ay u difaacayaan ciidooda, dhinaca kalena, ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan Ruushka.

Madaxweyne Zelenskyy oo subaxdii hore ee Jimcaha ka soo muuqday warbaahinta, ayaa sheegay in uu la hadlay madaxda NATO balse, ay dhamaan toodba ka baqdeen in ay ka hadlaan qadiyada dalkiisa, balse taa badal keeda aanay iyagu ka baqanayn Ruushka.

“Maanta 27 kamid ah madaxda NATO, ayaan waydiiyay in Ukraine ay kamid noqonayso NATO iyo inkale, midna iima jawaabin, kuligood way cabsadeen, balse anagu ciddna kama cabsanayno, kama baqanayno in aanu waddan kayaga difaacno, kama cabsanayno Ruushka, kama cabsanayno in aanu Ruushka la hadalo”Ayuu yidhi madaxweyne Zelenskyy.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dad ka badan boqol qof oo qaarkood saraakiil yihiin, ay ku waayeen dagaalka, isagoo ku amaanay in ay dhinteen iyaga oo ciidooda difaacaya.

“Nasiib darro, maanta waxaynu waynay 137 geesi oo muwaadiniinteena ah, 10 kamid ahi waxay ahaayeen saraakiil, 316 rayid ah ayaa la dhaawacay, dadkaasi is maydhiibin, dhamaantood waxa lasiin doona mansabka ‘geesiyaaha Ukraine’, kuwa noloshooda dalkeena u huray waligoodna waynu xasuusnaan doonaa”Ayuu intaas ku daray madaxweyne Zelensky.

Waxa uu sheegay in kasta oo isaga iyo qoyskiisa uu Ruushku ku calaamad saday dadka ugu horeeya ee la doonayo in lasoo qabto ama la dilo, hadana anay isaga iyo qoyskiisu midna ka bixin waddanka.

“Anigu waan joogaa, qoyskayguna Ukraine ayay joogaan, anagu ma nihin khaayimiin, waxaanu nahay muwaadiniinta Ukraine, anigu waxan ahay beegsiga kuwaad ee cadowga, qoyskaygana waxay ka dhigeen beegsiga labaad” ayuu yidhi madaxweyne Zelensky.

Duulaanka Ruushka ee ka dhan ka ah xukuumada Ukraine, ayaa galay maalintii labaad, iyadoo dagaaladu ay u socdaan si aan kala joogsi alahayn.