Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Qaahira Geelle Iyo Al-Siisi Oo Kulmay Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

Qaahira(Hayaannews): Madaxweynaha Masar ayaa Isniintii marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi.

Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti.

Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo ay u raadineysay muranka Webiga Nile ee kala dhaxeeya Ethiopia.

Madaxweynaha Masar ayaa ku celiyey dalabka dalkiisa ee ah in heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka oo Ethiopia ay uga baxday 4.6 bilyan oo dollar.

Al-Siisi ayaa sheegay in heshiis noocaas uu noqon doono mid ku yimaada waqtiga ku habboon, uuna gacan ka gaysan karo “xoojinta ammaanka iyo xasilloonida gobolka.”

Wada-hadallada muranka biyo-xireenka ee u dhaxeeya Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa istaagay sanadkii tegay. Masar iyo Sudan ayaa marar badan ku celiyey baaq ay u jeedinayaan beesha caalamka ee ah inay gacan ka gaysato heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka.

Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ammaanka Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida uu sheegay Al-Siisi oo aan bixin faah-faahin dheeraad ah.

Madaxweyne Geelle ayaa ku qeexay wada-hadallada “kuwa wax ku ool oo miro dhal ah,” isaga oo sheegay inay ka wada-hadleen habab “lagu xoojin karo laguna horumarin karo xiriirka.”

 

AP