Madaxweyne Biden Oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Tegay Kyiv

KYIV(Hayaannews):-  Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho lama filaan ah maanta ku tegay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, kahor sanad-guurada koowaad ee billowga duulaanka Ruushka ee dalkaas.

Biden oo booqashadan ay u ahayd tii ugu horreysay ee uu ku tego dalkaas tan iyo billowgii dagaalka ayaa la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Isaga oo ka dhinac hadlay madaxweyne Zelensky kuna sugan Madaxtooyada Mariinsky, Biden ayaa dib u xusay cabsidii sanad kahor la qabay ee aheyd in ciidamada duulaanka ee Ruushka ay qabsan doonaan caasimadda Ukraine.

“Sanad kadib Kyiv weli waa ay taagan tahay. Sidoo kalena Ukraine waa ay taagan tahay. Dimoqraadiyadda waa ay taagan tahay.Dadka Mareykanka iyo Dunidana waa ay idin dhinac taagan yihiin,” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wacad ku maray “taageero aan la loodin karin” oo Mareykanka ku difaacayo Ukarine, wuxuuna ku dhowaaqay hub dheeri ah oo dalkaas la gaarsiin doono.

“Waxaan ku dhowaaqayaa keenista agab kale oo muhiim ah oo ay ku jiraan rasaasta hubka lidka diyaaradaha, lidka taankiyada iyo agab kale, si shacabka Ukraine looga badbaadiyo duqeynta,” ayuu yidhi Biden.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyey booqashada hoggaamiyaha Mareykanka ee Kyiv, oo uu ugu yeeray inay astaan u tahay sii socoshada taageerada Mareykanka sanad kadib duulaankii Ruushka.

“Joseph Biden kusoo dhowow Kyiv. Booqashadaada waxay astaan aad muhiim u ah ugu tahay taageerada dhammaan shacabka Ukraine,” ayuu yidhi madaxweyne Zelensky.

Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid kahor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasimadda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado Ukraine “muddada ay doonto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidamada Ruushka.

Waxay imaneysaa xilli codbixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shacabka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday.

AFP, AP