Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Tacsi U Diray Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe)

Tacsi Madaxweyne: 10/05/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa. waxaanu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland, tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay diin jacayl dad ururin iyo daacadnimo, wuxuuna caan ku ahaa nabadda iyo isu keenida bulshada isagoo saaxada ku soo galay odaynimo geyiga Somaliland wada gaadhay Marxuum xaaji Cabdikariim xuseen Yuusuf, wuxu ahaa oday halgan adag u soo galay aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka guurtida Somaliland, wuxuuna ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland, isagoo ahaa musdanbeed arrin kasta oo murugta loola noqdo, u odayeynta toosinta iyo tanaasulka siyaasiyiinta dalka, madaxdii qaranka soo hoggaamisayna uu la garab taagnaa talo iyo tusaale, waxaana lagu xasuusan doonaa samo-talis talo suuban. Ruugcadaa u soo rafaaday rumaynta qaranka Somaliland oo uu baal dahab ah ka galay sooyaalka taariikhdiisuna ku xusnaan doonto.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Dhanka kalene Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaal tacis taasi lamid ah u diray Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe), waxaanu u dhignaa sidan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”

“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

DHAMMAAD