Madaxweyne Biixi Oo Bogaadiyay Xildhibaan Gavin Williamson 

Hargeisa(Hayaannews): Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahadceliyey Xildhibaan Gavin Williamson  oo qaddiyada Aqoonsiga Somaliland horgeeyey baarlamaanka Dalka Ingiriiska.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa inay rejaynayaan in dawlada Ingiriiski diyaar u noqon doonto dhagaysiga xildhibaan Gavin Williamson iyo Xildhibaannada kaleba.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo boggiisa Twitterka soo dhigay qoraal ayaa tilmaamay in guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibad ba sugayaan dooda qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Dooddii ugu qiimo badnayd ee abid lagaga doodo qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka dhacda Jamhuuriyadda Somaliland dibadeeda ayaa caawa ka dhacday baarlamaanka ingiriiska.

30 ka sannadood ee ay Jamhuuriyadda Somaliland jirtay maan arag xildhibaanada baarlamaanka ingiriiska oo sida qiirada, qiimaha iyo qadarinta mudan ugu nuux nuuxsaday in la gaadhay xilligii Jamhuuriyadda Somaliland dawladda ingiriisku aqoonsan lahayd.

Mp Gavin Williamson oo isagu doodan baarlamaanka ingiriiska keenay ayaa si qiiro leh uga hadlay taariikhdii dheerayd ee u dhexaysay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyadda ingiriiska, iyo sidii reer Somaliland u garab istaageen ingiriiska iyo xulafadiisa dagaalkii 2aad ee adduunka.

Waxaanay mudanayaasha doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb-qaadanaayay ay su’aalo dhinac walba leh ku boobeen wasiirka, oo xita mararka qaarkood ku margaday.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com