SOMALILAND:Madaxweyne Biixi Oo Cabdinaasir Macalin Caydiid Ku Sifeeyey Tiir Adag Oo Ka Baxay Bahda Fanka Soomaalida

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah Ha u naxariistee Ustaad Cabdinaasir Macalin Caydiid oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 26.12.2022 ku geeriyooday dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loo geeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mid ka mid ah udub-dhexaadka door-weyn ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta Dalka, waxaanu tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bahda Fanka ee uu ka baxay Marxuuku.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka, suugaanyahanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, Magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir adag oo ka baxay bahda fanka sidoo kalena uu ahaa mullaxamiiste, hoobal iyo kabanayste isla markaana si weyn looga yaqaanay geyiga, door muhiim ahna ka soo qaatay halgankii dibu xoraynta dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey xaaladdiisa caafimaad ka sii daraysay, ayaa geeriyoooday xilli loo diyaarinayey socdaal dibadeed, gaar ahaan dalka Turkiga oo Qorshuhu ahaa in loo qaado.

Meydka Marxuumka ayaa caawa lagu wadaa in la keeno magaalada Hargeysa, waxaana maalinta beri oo ay taariikhdu tahay 28.12.2022 Aas Qaran loogu samayn doona Caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo hawl-wadeenada ka hawlgalaa, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Bahda Fanka iyo suugaanta ee uu ka baxay Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid oo muddo 40 Sanno ku dhow ku jiray Fanka Soomaalida.