Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Shugri Xariir Iyo Doorkii Ay Ka Soo Qaadatay Dhismaha Warbaahinta Somaliland, Tusaale-na U Ahayd Haweenka Siyaasadda.

Hargeysa(Hayaannews); Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Marxuumad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16-01-2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumada ku sifeeyey marwo ka baxday dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaadatay dhismaha warbaahinta, arrimaha bulshada iyo dalkaba, tusaalena u ahayd haweenka siyaasada daneeya.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, bahda saxaafadda, haweenka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com