HAYAANNEWS.NET
Madaxweyne Biixi Oo Ku Sifeeyey Taliye Fadal Halyey Hawlkara Oo U Hagar Baxay Shaqada Qaranka
November 1, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka
shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan
ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka,
aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee
uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan
oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland
ee Hargeysa.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay caawa
Madaxtooyada Somaliland oo ay nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee
Hayaannews
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar
ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan
adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii
aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay
meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana
gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka
booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
COMMENTS
|