Madaxweyne Biixi Oo Reer Awdal Ka Codsaday Inuu Magan Uga Yahay Dabcinta Arinta Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilada

Boorama(Hayaannews)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa gobalka Awdal ka codsaday inay ka dabciyaan qaabka ay ku raadinayaan saamiqaybiga kuraasta golaha wakiilada ee mudada dheer lagu muransan yahay.

Madaxweyne Biixi ayaa gobalada Awdal iyo Maroodi-jeex waxa uu ka codsaday inay dalka wada jirkiisa la dhisaan isla markaasna aanay xooga saarin codkooda oo ay ku muquuniyaan gobalada bariga ee dalka oo uu ku tilmaamay kuwo kala fog isla markaasna aanay sanaaduuqda codbixintu wada gaadhin goobaha ay dadku joogaan.

Madaxweyne Biixi ayaa sidan ka sheegay shirka golaha dhexe ee xisbigiisa Kulmiye oo lagu qabtay magaalada Borama waxaanu sheegay in arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada la dhamayn doono inta uu joogo Boorama oo uu ka codsaday inuu magan uga yahay dabcinta xaalada saamiqaybsiga ee kuraasta wakiilada, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi madaxweynuu “Xisbiyadu isma seegana sadexda xisbi qaranba doorashada waa ay doonayaan waxa isa seegan waa gobalaysiga iyo qabyaalada, walaalayaal dhibaatooyinka maanta ku gudban doorashadaas waxa ka mid ah in doorashada baarlamaanka ay gobalada qaarkood saluugsan yihiin xubnaha ugu jira oo waxa ay leeyihiin codkayaga intaas in ka badan ayaanu ku helaynaa, waxa  la yidhi hala qaado tirakoob dalka oo dhan ah dhaqaale uma hayno oo ma qaadi karno, labadii madaxweyne ee horena waxay u qaadi waayeen taagdaro dhaqaale caalamkuna inagama caawiyo inaan tirokoob dalka oo dhan ah aynu samayno,.

Gobalada cabanaaya waxa kow ka ah gobalka Awdal, waanu idinla qirsanahay in gobal weyn oo ilbax ah oo dawlada jecel oo qof walba oo reer Awdal ah uu doorashada ka qayb qaato oo aad tiro badan keentaan Somaliland way idiin ogoshay, walaalayaal gobalada idinla midka ah ee bariga Ceerigaabo waxay ka weyntahay gobalada  Awdal ,Gabilay,Maroodi-jeex iyo Saaxil oo laysku daro, hadana codkoodu uma dhaco sida gobalada galbeedka waayo waa dal balaadhan dadkuna waa reer guuraa xarumaha Sanaag laga codeeyaa waxay isku jiraan 20Km, qaarbaa 30km isku jira waayo waa reer guuraa oo waa dhul furan, Sanaag oo kale dhanka buuraha wadooyinka maraa waa mid iyo laba dalka intiisa badanba wado ma marto, ma hayno awoodii aanu wadooyin ay ku codeeyaan aanu ku gayn lahayn,ma hayno diyaarado helikobtar ah oo aanu sanaaduuqda ugu qaadno oo aanu ku gayno meelaha ay kala degan yihiin, maaha way dad yaryihiin codkoodii ayaan soo baxayn dalkoo baahsan oo oomane iyo buuralay ah,markaas waxaan leeyahay Hargeysa iyo Awdal hadii ay yidhaahdaan intaas oo cod ayaa noo soo baxay hadii la tiriyo codadka doorashooyinkii ugu danbeeyay soo baxay oo laysku geeyo Awdal iyo Hargeysa ma waxa aynu ku wadi karaynaa dalka iyada 60 xildhibaan inkabadan ay ku joogaan dalkana ay ka yihiin 20% marka dhul ahaan loo eego labadaas gobal, siyaasada,hogaaminta iyo isku haynta dalku taas ma ogola ama dawladu waa inay dalka oo dhan wada gaadhsiisaa doorashada inta ay galbeedka isku jiraan 200-m iyo 100 m, ma hayno awoodeedii dalkeenuna ma laha,sidaas darteed umadda Somaliland ee maanta halkan isugu timi waxa la rabaa in Hargeysa iyo Awdal ay dabciyaan dooda ah cod badan ayaanu leenahay  waar dadka kale inta goobaha codaynta intaas la gaadhsiin karaayo ee codkooda la soo qaadi karaayo waxa laydinka doonayaa inaad doodaas qaranimo u eegtaan oo dabcisaan ayaan magan idiinka nahay.”

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Xisbiga dhexdiisa markii la lahaa Boorama shirka halageeyo waan idiin sheegay, shalay waxaan idhi madaxda ka soo jeeda Awdal iyo Maroodi-jeex may soo jeedin in la geeyo halkan waayo xujay doonayeen, waayo waxay yidhaadeen dalkana 20% ayaad ka tihiin dadna idinka uunbaa is cajabiyay oo waxaad tidhaahdeen Gabiilay madaxweyne, Booramana ku xigeen waa 100 Km, suldaankuna waxa uu yidhi haddii madaxweynuhu uu sidan yahay Booramana ha noqto caasimada labaad, hadday Hargeysa madaxweyne noqoto,Booramana ku xigeen dalkiina aynu labaatan ka nahay Somalilandtii kale maxay inagu odhanaysaa, waxaan ka jawaabayaa doodii ahayd wax ha la wada lahaado oo ha laystixgaliyo qaranka isku hay,reer galbeedku hayla jiideen dalka oo wax badan ha qadariyeen”