Madaxweyne Biixi Oo Xadhiga Ka Jari Doona Mashruuca Balaadhinta Dekedda BERBERA.

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta berri ee khamiista ah, xadhigga ka jiri doona wejigii hore ee Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera.

Mashruucan oo socday labadii sanno ee u dambeeyey, aya ah kii u balaadhnaa ee Dekeddaas laga hir geliyo tan iyo markii ay si rasmi ah Xukuumaddii Madaxweyne Siillaanyo ugu wareejisay Dekeddaasi shirkadda Dp World sannadkii 2016-kii.

Mashruucan oo xadhigga ka jari doono Madaxweyne Biixi, ayaa ka kooban dhawr qaybtood, iyada oo qaybta u muhiimsan ay tahay dhismaha 400M balaadhinta Dheega Maraakiibta lagu xidho.

Eng Yussuf Abdilaahi Abdi, oo ka mid ahaa Injineerada ka shaqaynayey Mashruucan, ayaa yidhi, isaga oo Faah faahinayey qaybaha uu ka kooban yahay.

Mashruucu wuxu ka koobna qaybo kala duwan waxaana kamid ah

  1. 400M Quay wall ama dheega maraakibta lagu xidho.
  2. Conatiner Yard /baraxada containers lagu kaydiyo
  3. Reefer Containers/Qaybta containers ka leh qaboojiyayasha.
  4. 16 dhismayal guri oo kala duwan.

5 .Warshad laydh/Power Plant

6 .warashada sifaynta bulaacadaha/Sewage treatment Plant (STP)

  1. Buundada lagu eegayo culayska/Weigth Bridges

8 .Roads /wadooyin.

Mashruuca waxa maalgalisay Dpworld waxaana dhistay shirkada SHAFA ALNAHDA BUILDING CONTRACTOR.

Mashruuca waxaan ka wada qayb galnay dadyaw kalla duwan oo kala wadamo iyo qaarado ah sida Koreans, Indians, Philippines, Americans, Ethiopians, Sudanese, Irelands, South Africans, Tanzanian, Somalilander, Chinese iyo Brazilian.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com