Madaxweyne Erdogan Oo Dalbaday Cafis

Ankara(Hayaannews): Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran ugu dhufantay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda.

Erdogan, oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sano uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari.

Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas.

“Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aan rabnay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria.

Wakaaladda wararka AFP ayaa 10-kii February werisay carada dadka Adiyaman ee ku wajahan dowladda.

“Qofna ma arag illaa 2:00 pm ee maalinkii xigay dhul-gariirka,” waxaa xilligaas sidaas AFP u sheegay Mehmet Yildirim oo degan Adiyaman.

“Dowlad ma lahan, qaran ma lahan, boolis ma lahan, askar ma lahan.Ceeb idinku dhacday. Waa nagu fiirsateen,” ayuu yiri.

Dhul-gariirka ayaa yimid xilli uu Erdogan sii helayey taageero, islamarkaana ay sare u kaceen shacabka ku qanacsan howshiisa, kadib muddo hoos u dhac uu ku yimid sababo la xiriira xasaradda dhaqaale ee sanadkii tegay.

Waxyar kadib markii dhul-gariirka uu dhacay, Erdogan ayaa qirtay “gaabis” dhanka dowladda ah oo ku aadan sida ay ula tacaashay musiibada.

AFP