Muqdisho(Hayaannews):-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdIllaahi Farmaajo, ayaa ku bogaadiyey soo
dhisidda Xukuumadda Raysal-wasaaraha uu dhawaan soo xushay ee Maxamed Xuseen
Rooble, waxaanu sheegay inay Xukuumaddaasi noqon doonto mid tayo leh.
Madaxweyne Farmaajo, waxa uu
sheegay inay Xukuumadda uu xalay soo ku dhawaaqay Raysal-wasaare Rooble ay
tahay mid tayo leh, isla markaana ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha
horumarka u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan
qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka
dowladnimada ee sannadihii la soo dhaafay la gaadhay.
Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya
ku ammaanay Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala
yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda oo uu isla
maanta kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho, ayuu
kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma
hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah
dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha, ayaa ka codsaday
Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul
Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha
Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa Allaah uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo waddaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.
Xubnaha Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada iyo Wasiiru-dowlayaasha Raysal-wasaare Rooble soo xulay oo intooda badani aanay ku cusbayn indhaha iyo dhegaha bulshada, balse ay u badan yihiin Golihii Xukuumaddii Raysal-wasaare Khayre ee Baarlamaanku riday, waxaa lagaga dhawaaqay xaflad xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, taas oo ay badi dadka la magacaabay iyo madaxda kale ee dowladduba ka qaybgaleen.