Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Codsaday Madaxweynaha Congo Inuu Dhex-Dhexaadiyo Soomaalida

Kinshasa(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay tagay magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Diqomraadiga Congo ayaa la kulmay madaxweynaha waddankaas Felix Tshisekedi.

Labada madaxweyne ayaa la sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Soomaaliya. Waxay kaloo warbaahinta dawladda Soomaaliya sheegtay inay ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika u ka ciyaaro horumarka Afrika.

Maaxweynaha DRC waa Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sannadkan. #Hayaannews

Dhinaca kalena, madaxtooyada DRC ayaa sheegtay inay labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Madaxtooyada DRC waxay sheegtay inay labada madaxweyne yeesheen wadahadalo socday muddo laba saacadood ah. Waxay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday madaxweyne Tshisekedi in isagoo ciyaaraya doorkiisa madaxeynaha Midowga Afrika inuu fududeeyo islamarkaana dusha kala socdo wadaxaajood dhexmara saamilayda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in madaxweynaha DRC uu soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya inuu Midowga Afrika u furo dhammaan Soomaalida sidii loo gaari lahaa xal iyo nabad waarta.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xaqiijisay codsiga Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yiri “Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo.”

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com