Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Madaxwayne Muuse Biixi, Baaqna U Direy Umadda Soomaaliyeed.  

 Muqdisho,(Hayaannews): Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii xalay ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo oo la wadaagay dhigiisa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaca ku aaddan dhibaatada soo gaadhay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargeysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan.

Dhinaca Kale, Ugu yaraan 28 qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, Boqolaal ganacsi iyo dhismayaal ayaa ku bas beelay, kadib markii uu xalay dab ka kacay suuqa WAAHEEN ee badhtamaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay meherad Bakhaar ah oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta, waxaana jira dedaallo ay isku dayayaan ciidanka dab-demiska oo baaxadda dabku ka xoog weynaatay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Mustafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com