Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Tilmaamay Qarixii Kismaayo Xasuuq Loo Geystay Dhalinyarada.

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida dhallinyaro ciyaartooy ah oo ku geeeiyooday Qarax ka dhacay Kismaayo oo lala eegtay gaari bas oo ay la socdeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay in ay qaraxaasi ka dambeeyaan kooxda Alshabaab, isagoo ku tilmaamay xasuuq loo geystay dhalinyarada.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisada Alshabab cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Ku dhawaad shan dhalinyaro oo ka mid ahaa ciyaartoyda ayaa ku geeriyooday qaraxa Ka dhacay Kismaayo, sidoo kalena tiro intaas ka baddan ayaa ku dhaawacmay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan oo ku soo beegmay xilli ay magaalada Kismaayo ka bilaabmeen doorashooyinka aqalka sare.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com