Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub Ee Maraykanku U Soo Magacaabay Soomaaliya

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Mudane Larry André.

Danjiraha cusub ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden. Sidoo kale wuxuu soo bandhigay dadaalka Maraykanku ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Sida madaxtooyadu sheegtay, madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladdiisu ka gaartay ijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com