Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Kaga Qayb-Galay Shirka Caalamiga Ah Ee Xuquuqda Aadamaha

Hargeysa (#Hayaannews) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) kaga qayb-galay shirka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, oo ay soo qaban-qaabiyeen guddida caalamiga ah ee xuquuqal-iinsaanka kana soo qayb-galeen hoggaamiyeyaal ka socday Caalamku.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si weyn u sharaxay heerka xuquuqul-iinsaanka ee Somaliland oo uu tilmaamay inay kamid tahay meelaha Afrika ugu horeeya dhanka dhawrista xuquuqda qofka iyo sidda dastuurka Somaliland awooda ballaadhan u siiyay dhawirsta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Dhanka kale waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay guddi madax-banaan oo u xil-saaran illaalinta xuquuqda aadamaha, guddidaas oo hawshooda u guta si madax-banaan isla markaana aan wax car-qalad ah kala kulmin hay’adaha kala duwan ee dawladda ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo shirkaasi khudbad dheer ka jeediyay, waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay madaxweyneyaal, ra’iisal wasaareyaal hore iyo kuwo hadda xilal haya, wasiiro, siyaasiyiin caana iyo madax tiro badan oo ka socday dawladaha dunida iyadoo shirkaasi uu daadihinayey Danjire Dr. Muhammad Shahid Amin Khan, Guddoomiyaha Adduunka ee Guddiga Caalamiga ee Xuquuqda Aadamaha (IGO) oo fadhigiisu yahay dawlada Pakistan.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland