“Madaxweyne Muuse, Badbaadada Maanta jirta Waa inaad Ciidamaada Kala Baxdaa Deegaanada SSC” Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif

Laascaanood(Hayaannews): Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa ugu baaqay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo gobaladda SSC, oo ay fuliyaan go’aankii ay gaareen Isimadda dhaqanka ee gobaladaas oo isku duuban.

Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo maanta bixiyey  Gudoomiye Cabdirisaaq khaliif isaga oo jooga Magaalada Laascaanood waxa uu eedeymo kulul u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo taliskiisa inay qaadan masuuliyada xasuuqii iyo dhibaatooyinkii kale ee ka dhashay dagaalka ka socda Laascaanood.

“Madaxweyne Muuse, Badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamadeeda kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yidhi; Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayay Laascaanood.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “LAASCAANOOD Waxa Ka Dhacay Xasuuq ka baxsan Arrimaha Bini’aadanimada”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com