“Madaxweyne Muuse Biixi Ayey Hadda Hortaala Kubaddu Ama Somaliland Wuu Badbaadin Ama God Madow-buu Ku Ridi….”Siyaasi Cali-Gurey

“Haddii doorashada keliya ee la isla wada ogol yahay wax ka dhiman oo wakhti ahayni jirin ay qabsoomi waydo tu kale oo ka horaysa ama ka dambaysa oo qabsoomi kartaana ma jirto.”

Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-GUREY) oo ka mida Siyaasiyiinta waa-weyn ee reer Somaliland ayaa sheegay inay kubaddu hor-taallo Madaxweyne Muuse Biixi ama uu bad-baadin doono Somaliland ama uu god-madow ku ridi doono mustaqbalka.

Sidaa waxa uu Cali-Gurey ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saaray oo nuqulka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Hore waan u sheegay hadana waan sheegayaa: midnimada, wadajirka, iyo wax wada lahaanshaha Somaliland waxan u arkaa in ay ku jirto midnimada Burco. Ilaahayna sida roon ha waafajiyo.

Madaxwayne Muuse ka hor intii aanu dhamaanin sanadkii hore wuxu inoo sheegay in sadex doorasho ay dalka ka qabsoomayaan, sida ay u kala horeeyaana loo kala qabanayo oo mid walba ay wakhtigeeda ku qabsoomi doonto. Maanta mid lama hadal hayo labadii kale in ay mid ahaani qabsoomi iyo in labaduba ay meesha ka wada bixi ayaa werwerka ugu wayni yahay. Hadii doorashada keliya ee la isla wada ogol yahay wax ka dhiman oo wakhti ahayni jirin ay qabsoomi waydo tu kale oo ka horaysa ama ka dambaysa oo qabsoomi kartaana ma jirto.

Markaa madaxwayne Muuse ayay hadda kubbadu la taal in uu dalka ka badbaadiyo khilaaf siyaasadeed oo meel uu inala gaadhi aan la garanayn iyo god madow ku ridi talada Somaliland labadaa mid uun bay noqon eh aan sugno inta  meel cad uu isu keen taagayo.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com