Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Oo Xalay Kulan Fool-Ka-Fool Ah Yeeshay

Hargeysa(hayaannews)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele, ayaa xalay yeeshay kulan. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Guddi ganacsato ah oo is xilqaamay oo maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa kulamo ay la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed, ayaa xalay ku guulaystay inay kulan isku horfadhiisiyaan Madaxweynaha iyo Ganacsadaha.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin ilahani waxay intaas ku dareen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele ay kulankaas isku laab-xaadheen.

Madaxweynaha iyo ganacsadaha ayaa halkaas ka jeediyay sida uu warku sheegay hadal kooban oo nuxurkiisu ahaa raaligelin iyo in la is  cafiyo, iyadoo ay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed halkaas iskaga cafiyeen waxyaabihii toddobaadkii u dambeeyay warbaahinta ku jiray.

Guddiga ganacsatada ah ee is xilqaamay ayaa dedaal xoogan u galay sidii ay xiisadda u dejin lahaayeen, waxaanay dhawr kulan oo ay ugu kala dab qaadeen ka dib ay xalay ku guulaysteen inay is horfadhiisiyaan Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed, iyadoo uu kulankani soo afjari doono hadaladii taag-taagnaa ee warbaahinta la isu mariyay.