Madaxweyne Muuse oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Badha Badha oo Qaranka ka Baxay
May 27, 2019 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews):- Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay ALLE ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha) oo qaranka ka baxay habeen horena ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaanu
Madaxweyne Muuse Marxuumka ku sifeeyay oday halgamaa iyo hal door ka baxay
qaranka Somaliland oo taariikh wayn ku lahaa dhismaha qaranka Somaliland illaa
xilligii halgankii gumaysigana ka mid ahaa halgemayaashii xornimo doonka.
War
saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo Madaxweynaha qaranku kaga
hadlay Geerida ALLE ha u naxariistee Geerida Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud
(Badha-badha), ayaa u dhignaa sidan.
INNAA
LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya
magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u
dirayaa waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, qoonyahanka,
qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cismaan
Cawad Maxamuud (Badha-badha) oo ku geeriyooday Xalay (habeen hore) oo ay
taariikhdu tahay 26/05/2019, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.
Madaxweynuhu
waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana
ka soo qaatay halgankii xornimada ee wakhtigii gumeystihii ingiriiska, isagoo
ka mid ahaa xisbigii SNL, markii danbena ku biiray xisbigii SDU, sannadihii
sideetamaadkiina waxa uu ka mid noqday golaha deegaanka Burco, isagoo door aan
la ilaawi karin kulahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa
ganacsatadii bud-dhiga u ahaa dalka gaar ahaan gobolka togdheer.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo culimada waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo