Madaxweyne Trump oo u ololaynaya Dhaqan looga bartay Madaxda Soomaalida!

Washington (Hayaannnews):- Musharaxiin isku diyaarinaya kursiga madaxweynaha kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka hor yimid go’aanka ay dowladda ku diidan tahay in dadka madowga ee u dhashay Mareykanka la siiyo magdhaw dhanka midab takoorka iyo adoomaysiga.

DONALD TRUMP MADAXWEYNAHA MARAYKANKA

DONALD TRUMP MADAXWEYNAHA MARAYKANKA

Madaxweyne Trump ayaa maalintii Axadda ahayd ka digay arrinkan, waxa uuna sheegay in muddadii labada sano ahayd ee uu xukunka hayay la saarayay cadaadis xoog leh, sidaasoo ay tahayna uu horumar weyn u horseeday dalka.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey ayaa waxa uu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ay uga dhamaatay baaristii doorashada ee Ruushka, taas oo uga dhigan qeybtii kowaad ee xukunkiisa.

Wuxuu ku tilmaamay waqti laga xaday xilligiisa madaxweynenimada. Jerry Falwell Jr. oo ah madaxa Jaamacadda Liberty ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku billaabay ol’ole lagu dalbanayo in Trump waqtigiisa loogu kordhiyo 2 sano oo dheeraad ah, ka hor inta aan doorasho la galin.

Mr Trump ayaa dib usii faafiyay qoraalkaas, waxaana loo fasirtay in ol’olaha muddo kordhisashada uu isaguna qeyb ka yahay. Arrintan ayaan ku cusbeyn dhagaha dadka Soomaalida ah, maadaama madax kala duwan oo soo martay Soomaaliya ay dalbadeen in waqtiga loo kordhiyo, ka dib marka uu dhamaado xilligii sharciga ahaa ee maamulkooda loo qabtay.

Dowladihii ku meel gaarka ahaa ee isku baddalay maamulka Soomaaliya iyo waliba Federaalka ayaa dhowr jeer loo sameeyay muddo kordhin laga soo hormarioyay xilliga doorashada.

Dadka qaar ayaa hadalka madaxweyne Trump u arkay mid ka hor imaanaya gafna ku ah sharciga u yaalla dalka. Hase yeeshee, hadallada Madaxweyne Trump ayaa badanaa loo qaataa kuwa kaftan ah. Balse Jon D. Michaels, oo ah garyaqaan wax ka bara Jaamacadda California ee Los Angeles, ayaa sheegay inuu Trump hadalkiisa qaatay.

“Arrintan mid sahlan uma qaadanayo maxaa yeelay waxaa jiray o’ole adag oo ay maamulkan wadeen oo ay ku carqaladaynayaan sharciga dalka, iyaga oo marar bandanna ka biya diiday go’aanada ka so baxa xaakimada dalka.” Ayuu yiri Michaels.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Trump ay sharciyada dalka iyo dimuqraadiyadaba ay ka baranayaan barta Twitter-ka ee madaxweynaha.

“Halkan ma ahan ciyaaraha kubadda cagta ee uu jiro wakhti ganaax ah, si ay ugu daraan xilli dheeraad ah ka hor inta aysan ciyaarta dhammaanin.” Ayuu yiri.

Xigasho BBCSomali.com.