MadaxweynihiiDalka Chad Oo Lagu Dilay Dagaal

Chad(Hayaannews):Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby, ayaa maanta u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay dagaal ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha Chad ee dhawaan dib loo doortay ayaa ku geeriyooday jiida hore ee dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo kuwa falaagada jabhadda Sahel, taasoo dagaal kula jirta Dowladda dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Ciidamadda Dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida Madaxweynihii dalkaasi Idriss Deby, wax faahfaahin ah oo dheeri ah ma bixin Afhayeenka wuxuuse sheegay in Madaxweynuhu ku geeriyooday jiida hore ee dagaalka.

Deby, “ayaa hadda ay ka baxday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka,” isaga oo ku sugan goobta dagaalka, waxaa sidaas war-saxaafadeed laga akhriyey Taleefishanka dowladda ku yidhi Afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “Argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

Mr Deby, ayaa xukunka dalkaasi kula wareegay Kacdoon hubeysan 1990, waxayna geeridiisa imaanaysa markii isniintii shalay la shaaciyey inuu markii lixaad ku guuleystay doorashadii isbuuc ka hor ka dhacday dalkaasi, taasoo Mucaaradku diideen.

General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel gaadhka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada.

Mucaaridka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika. Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.

 

AFP, REUTERS