“Madaxweynuhu Haddii Uu Doorashada Qaban-waayo Uma Aqoonsaneyno Madaxweyne.” Cabdiraxmaan-CIRRO

“Madaxweynhu Madaxa ayuu isu geliyay Hay’addii Qaranka Kamana Yeelanyo in Maalin Loo Kordhiyo.” Murrshax Cabdiraxmaan Cirro

Burco (Hayaannews):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ugu hanjabay Madaxweyne Muuse Biixi inaanay ka yeelayn inuu hay’adaha qaranka madaxa isu geliyo, isla markaana inaanay ogolaanayn in saacad loogu kordhiyo muddo xiliyeedkiisa.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay in aannay xisbi ahaan diidanayn in la furo Ururrada siyaasadda iyo xeer L/14, balse wuxuu ku dooday in sababta Madaxweyne Biixi u soo celiyay Xeerka ay tahay u-jeeddo uu ku doonayo wuxuu ku tilmaamay camaalaq iyo mudda korodhsi.

“Ma aqbalayno maalin iyo saacad in lagu daro, madaxweynaha waxaan u ogolahay muddadiisa sharciga ah, 13 November haddii uu doorashada qaban waayo uma aqoonsanayno Madaxweyne.” ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cadilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo shalay la hadlayay kumanaan ka mida shacabweynaha reer Burco oo isugu soo baxay meel fagaare ah

Md. Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu si adag uga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee Guddoomiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, maalintii Arbacadii aynu soo dhaafnay looga yeedhay xarunta denbi-baadhista ee CID-da taas oo uu ku tilamamay caga-juglayn sharci-daro ah oo aannay weligood aqbaleyn.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com