“Madaxweynuhu Wuxuu Degay God Abaareed, Shaxdu Maaha Wax Masiir Ummadeed Lagu Metelo, Siyaasaduna Maaha Khiyaamo, Been iyo Dhagar La Maleego,”Cabdiraxmaan-CIRRO

Hargeysa(Hayaannews)-Murrashaxa u taagan doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee Xisbiga Mucaaridka ee WADDNI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa khudbadii dastuuriga ahayd ee Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid aannu ku caddayn arrimaha doorashada Madaxtooyadda, isagoo sheegay arrintaa mala-awaal aannu mawqif cad iskaga taagin Madaxweynuhu xilliga doorashooyinku dhacayaan.

Md. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa sheegay Ciyaarta shaxdu inaanay ahayn wax masiir umadeed lagu metelo, isla markaana aanay siyaasadu ahayn khiyaamo qaran.

Cabiraxmaan-Cirro oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inaanay aqbalayn in dalka laga leexiyo sida uu sheegay nidaamka geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

“Maanta dalkeena waxa ka jira dhibaatooyin baahsan, haday tahay sicir-barar, Abaaro, suuqii ugu weynaa oo gubtay WAAHEEN, shaqa la’aan baahsan, maamul-xumo iyo daah-furaan la’aan baahsan, dimuqraadiyadii iyo xoriyatu-qawlkii aynu korinaynay oo aynu arkayno in lagu hayo dagaal meesha lagaga saarayo oo lagu curyaaminayo.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan-CIRRO.

Md. Cirro oo ka hadlayay Warbaahinta, waxa uu nasiib-darro iyo dhaxal-xumo ku tilmaamay in Somaliland soddon sannadood kaddib ay ka werwerayso dawladnimadii casriga ahayd ee ay dhisatay oo dimuqraadiyadii iyo xorryatu-qawlkii tiir-dhexaadka u ahaa ee aynu dawladnimada ku doonaynay, ayuu yidhi, Cabdiaxaman-Cirro.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi khudabadii uu ka jeediyay labada golle Barlamaan  ay shacbiga iyo danneeyayaasha Somaliland filayeen in Madaxweynuhu si cad oo aan mugdi ku jirin uga hadlo arrimaha doorashooyinka si shacbigu ugu diyaar garoobo xilliga doorasho kastaa qabsoomay oo ay ugu soo horayso doorashada Madaxtooyadda ee ku beegan 13 November 2022.

“Muuse mawqif cad iskama taagin doorashooyinka inkasta oo uu gollayaasha hortooda ka sheegay inuu qabanyo, shalay wuxuu mala awaalay, waxaan iman oo aan hadda jirin, ama iman doona oo ay suurtagal tahay in doorashooyinku dub ugu dhacaan.”

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi “Salaasadii 10 May 2022”, soo saaray wuxuu ku tilmaamay talaabadii koowaad ee kala dirista guddida doorashooyinka “Wareegtadii Madaxweynaha baadhista gudddiga doorashooyinka”, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi“Muuse wuxuu soo saaray wareegtidii koowaad ee kala dirista guddida doorashooyinka ee madaxbanaan, taas oo macnaheedu yahay dalkan doorasho kama qabsoomi doonto, jadwalkii diiwaan-gelinta ee ay ku heshiiyeen Madaxweyneha, Axsaabta qaranka iyo komiishanka doorashooyinku waan laalay keligay, diiwaangelina ma qabsoomayso.”

“Madaxweynuhu wuxuu shalay ka sheekeeyay shax la ciyaaro, inkasta oo uu maanta god abaareed degay, shaxdu maaha wax masiir ummadeed lagu metelo, siyasaduna maaha khiyaamo, Been iyo dhagar la maleego, siyaasadu waa hoggaamin run ah oo lagu sugo nabad, xasilooni, Nollol, horrumar iyo midnimo qaran, xisbiga waddani wuuxuu u dabran-yahay inuu xaqiijiyo hanka, himilada iyo hiigsiga shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com