Wakhtiyadii hore, dabbaaldegga
noocan ah wuxuu ka dhici jiray Bishoftu, oo 40km u jirta Addis Ababa.
In dabbaaldeggan loo soo
wareejiyay caasimadda oo daris la ah gobolka Oromada ayaa waxay dad badan u
arkaan inay tahay aqoonsi ay dowladdu aqoonsatay dhaqankan. Sanado badan ayay
Oromada ka sheeganeysay gacan bidixeyn dhinaca dhaqanka iyo siyaasadda ah.
Waxaa la aaminsan yahay
qowmiyadda oromoada ay gaarayaan 40 milyan oo qof, taasoo u dhiganta 30% tirada
shacabka Itoobiya.
Ciiddan ayaa u ah fursad ay dadka
Oromada ah ku xirtaan dhar dhaqameedka.
Ninkan oo ka yimid gobolka Shoa
wuxuu xiran yahay dhar laga sameeyay maqaarka daanyeerka
kuushan ay dumarkan wajiyada ku
xirteen ayaa labid ay caan ku yihiin dumarka Oromada.
Labadan nin waxay ka so safreen
magaalada Bale ee koonfurta dalka oo caasimadda u jirta 400km si ay ciidda uga
qeyb qaataan. Duubka madaxa ugu xiran waxaa la xirtaa marka ay jiraan xafladaha
dabbaaldegga dhaqammada Oromada.
Haweeneydan waxay ka soo safartay
gobolka Hararghe, ee bariga Itoobiya. Dharkan ay ku labbisan tahay ayaa gobolkaasi
aad looga isticmaalaa.
Bulshooyin kale oo aan oromo
ahayn ayaa sidoo kale dabaaldeggan ka qeyb qaatay.
An Ethiopian man from the Alaba
region dances during the Irreecha celebrationLahaanshaha sawirkaREUTERS
Ra”iisal wasaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu laftirkiisa ka soo jeedaa qowmiyadda Oromada.
isbadello ballaaran ayuu dalka ka hirgaliyay tan iyo markii uu xukunka la wareegay.
Inkastoo dabbaaldaggan loo soo
wareejiyay caasimadda markii ugu horreysay, haddana xukumadda waxay wali la
daala dhaceysaa loolan adag oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaasi.