Mareykanka iyo Midowga Yurub Oo Cambareeyay Dilalka Aargoosiga Ah’ Ee Taalibaan

Washington(Hayaannews): Mareykanka, Midowga Yurub iyo xulifadooda ayaa Sabtidii Taalibaan ku dhaleceeyay dilalka qorsheysa ee ay ku beegsaden xubnihii hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Afghanistan, sida ay diiwaan-geliyeen kooxaha xuquuqul insaanka, waxayna dalbadeen baaritaano deg-deg ah.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya dilalka qorsheysan iyo afduubka loo geysanayo xubno hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Afghanistan, sida ay diiwaan gelisay Human Rights Watch iyo hay’ado kale,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Mareykanka, Midowga Yurub, Australia, Britain, Japan iyo dalal kale, kaas oo ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareyka.

“Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in falalka lagu eedeeyay Taalibaan ku jiraan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka, kuwaas oo kahor imaanaya cafiskii Taalibaan ay ku dhawaaqday,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dalalkan.

Horraantii todobaadkan, hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in laga bilaabo bartamihii Ogosto ilaa Oktoobar 47 xubnood oo hore uga tirsanaa ciidamada amniga qaranka Afghanistan, shaqaale kale oo militari, boolis iyo sirdoon oo ay qabteen ama isu dhiibay ciidamada Taalibaan in lagu fuliyay dilal aargooss ah.

Taaalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afghanistaan bartamihii bishii Ogosto markii ay bur-bureen dowladdii Kabul ee taageerada ka heli jirtay Mareykanka iyo militarigii dalkaas.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com