Mareykanka Oo Caddeeyey In Muuse Biixi Aqbaley La Kulanka Isimada Dhaqanka Koonfurta Soomaaliya Ee Tegay Laascaanood.

Maraykanka oo war xasaasi ah ka soo saaray colaadda Laascaanood iyo doorashooyinka Somaliland

USA(Hayaannews): Wasaaradda Arrimaha dibada Mareykanka ayaa markale toos uga hadashay dagaalka Laascaanood, waxayna ku dhawaaqday Hanjabaado xoog leh, iyadoo la caddeeyey in Muuse Biixi aqbalay in uu la kulmo Odayaasha dhaqanka Koonfurta Soomaaliya ee dhawaan tagey Laascaanood, ayna khasab tahay in uu ciidamadiisa la baxo.

1- “Dawladda Mareykanka waxay ka welwelsan tahay Isku dhacyada kasocda magaalada Laascaanood ee sii kordhaya, waxayna ku biirinaysaa codkeeda dadaalka caalamiga ah iyo kuwa wadamada deriska ee ay ugu yeerayaan darafyada in ay joojiyaan dagaalka, lana ilaasho xabadjoojint laysku waafaqay, la dhawro Sii socoshada gargaarka, ayna tahay in labilaabo wada xaajoodyo xal rasmi ah looga gaarayo dagaalkan”

2- “Waxaan ugu yeeraynaa Somaliland in ay dib ula baxdo ciidankeeda, iyadoo tusinaysa ka go’anaanshihii ahaa in ay qodobkaas ilaalinayso, waxaan ugu yeeraynaa ciidanka deegaanka in ay joojiyaan weerarka ay ku qaadayaan Somaliland, Waxaan taageersanahay ka qaybgalka wax ku oolka ah ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Diridii ergada odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxaanan soo dhawaynaynaa ballan-qaadkii Madaxweynaha Somaliland Biixi ee ahaa inuu weftiga kula kulmo Hargeysa”ayaa lagu yidhi qoraalka.

“Sii socoshada dagaalkan, wuxuu keeni karaa in kooxaha xagjirka ah ay ka faa’iideystaan xasilooni-daradan oo ay sii xumeeyaan- xaalad bini aadantinimada ee dagaalkan abuuray”

3- “Waxa kale oo aanu dareensanahay in doorashada madaxtooyada Somaliland ay dib u dhacday ilaa November 2022, taas oo kagudubtay wakhtiga ku cad dastuurka Somaliland.  Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Somaliland inay muddeeyaan waqti cad oo ay doorashada ku soo dhamaystiraan sida ugu dhakhsaha badan”

4- Mareykanka ayaa sii sheegay haddii dalabkan la aqbali waayo waxa dhacaya, waxaana ku hanjabtay xayiraado ad adag oo ay ku jiraan in lajoojiyo dal kugalka iyo qodobo dheeraad ah.

5- “Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu soo rogo maamullada sida ku cad qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha ee hadda jira ama hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay masuul ka yihiin, ama  ka qayb-qaadanayaan, wiiqayaan geedi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.