“Marka Lagu Tartamo Ururrada Saddexda Xisbi Ee Soo Baxa Ayaa Gelaya Doorashada Madaxtooyadda” Wasiir Koore

Hargeysa (Hayaannews) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxa uu sheegay in tahay markii ugu horaysay ee wax qabadka bajadka Wasaarada Maaliyadda ugu badnayd ee abid laga fuliyo dalka,waxaana uu intaasi ku daray in shacabka Somalilan ay ka jawaabi karaan wixii loo qabtay.

Wasiir Koore oo u waramayay Idaacada BBC oo ka jawaabayay hadalada ka soo yeedhay Xirsi Cali Xaaji Xasan.Waxa uu yidhi”Waxa aan u arkaa ee daymaha Xirsi soo jeediyay kuwo aan sal iyo raadtoona la hayn,waana markii ugu horaysay taariikhda Somaliland wax qabadka bajadka Wasaarada Maaliyadda ugu badnayd ee abid la fuliyo. waana ay caday hay,ad kasta oo Qaranka wixii ay qabatay iyadoo itus oo itaabsiiya qof kasta oo Somaliland wuu ka jawaabi karaa wixii la qabtay”.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dhaqangal tahay in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada lix bilood ka hor.Waxaana uu yidh”Waxaana dhaqangalay in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada lix bilood ka horna waxa la samaynayaa Gudidii Diwaangalinta Ururada Siysaasada, waxaana la iclaaminayaa 45 Cisho oo loogu diyaar garoobayo Ururada cusub,markii hore waxa lagu galij jray Dawladaha Hoose, waxaana maxkamadda sarre ee Dastuuriga ay soo saartay in lagu galayo Doorashada Ururada oo toosa iyo xisbiyadii ku meelgaadhka ahaa waana galayaa Doorashada Ururada wax kale oo meesha yaalaa majiro iyo sabab laysku cambaareeyo, doorasho kastaa wakhtigeedii ayay ku dhacaysaa marka Ururada lagu tartamo Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa u tartami doona Doorashada Madaxtooyadda waana arin sharci oo laysla qaatay”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu beeniyay in dad loo xidhay rayigiisa.Waxaana uu yidhi “Waa arin aan sal iyo raadtoona la hayn hadii qof loo xidhayo hebel ayaa la maagay iyo hebel ayaa la caayay,shakhsiga ugu cayda badan Umadda Somaliland marka aad gasho Facebookga waa Madaxweynaha Somaliland waxa aanu gaadhnay Dimuqraadiyadda meesha ugu saraysa ee Bini aadam sheego”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com