“Markii Ay Ii  Caddaatay In Dadka Aragayga Iyo Odhaahdayda Laga iibinayo Oo Lacag Lagaga Qaadanayo, Waxaan Go’aansaday In Aan Hakiyo….”Abwaan-DHEERSAME #Hayaannews.

Hargeysa(#Hayaannews): Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (#WEEDHSAME)oo ka mida foolaadka Suugaanta wakhtigan ayaa sheegay inuu hakiyay bandhig-SUUGAANEED uu ku soo bandhigi lahaa Caasimada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, kadib markii sida la sheegay tigidhadii xaflada suugaaneedka lagu galayay suuqa lagu iibinayay.

Sidaa waxa uu Abwaan-WEEDHSAME ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray Caawa oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada wararka ee #Hayaannews

“Waxa goor dhawayd la igu soo war-geliyey In dhallinyartii qabanqaabinaysay Bandhigayga Jigjiga,  ay dadka ka iibinayeen tigidhada lagu soo gelayo bandhigga!!!!

Haddaba, ka dib markay ay ii caddaatay in dadka aragayga iyo odhaahdayda laga iibinayo oo lacag lagaga qaadanayo, waxan go’aansaday in aan hawshaasi hakiyo.

Waanu wada hadalnay wiilashii lacagta dadka ka guray, waxa aanan isla garanay inay qof kasta lacagtiisii u celiyaan. Kolkaa Waxan ku war-gelinayaa qof kasta oo reer jigjiga ah oo lacag laga qaaday, inuu lacagtiisii u doonto ciddii ka qaaday.”

Abwaan WEEDHSAME mar uu la hadlayay dadweynaha reer Jigjiga waxa uu yidhi “Dadweynaha Reer Jigjiga ee aan jeclahayna waxan u ballan-qaadayaa in aan u tegi doono una qaban doono bandhig aan ereygayga cidina ka kiraynayn.”

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (WEEDHSAME) ayaa waxa uu ka mid yahay Abwaanada dhalinyarada ah ee suugaantiisa aadka looga jecel-yahay dhulka soomaalidu degto, isla markaana ilaaliya dhaqanka iyo anshaxa Abwaanimo oo aanu lacag waydaarsanin hibada uu ILAAHAY siiyay, taas oo uu karaamo iyo Sharaf kaga helay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee Shaabkada Wararka ee WWW.Hayaannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.