Marwo Suhuur Xasan Abiib Oo Ku Dhawaaqday Urur-Siyaasadeed La Magac Baxay BILIS-XAAWALAY, Fariina U Dirtay Haween-Weynaha Somaliland

“Ururka Bilis-xaawalay waxa uu noqonnayaa cod-baahiyaha Haweenka Somaliland” Marwo Suhuur Xasan Abiib.

Canada(Hayaannews): Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida haweenka reer Somaliland ganacsatada ah, ayaa ku dhawaaqday Urur Siyaasadeed la magac-baxay BILIS-XAAWALEY, Isla markaana waxay ku dooday inuu mideyn doono codka cudduda haweenka ee shakhsiyaad gaari dannohooda uun ku gaadhan.

Suhuur Xasan Abiib oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bini’aadanimada, isla markaana muddo baddan Siyaasada Somaliland ku jirtay, ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay maanta oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews.

“Waxaan kaga dhawaaqayaa Magaalada Tontonto ee dalka Canada Urur Siyaasadeed La magac baxay BILIS-XAAWALEY. waa Ururkii ugu horeeyey aniga oo ah haweenay reer Somaliland ahi inaan ku dhawaaqdo maanta oo ay taariikhdu tahay 14.12.2021 Haweenku waa laf-dhabarta qaran, qoyskuna waa qaran.

Maadaama haweenku ay yiihiin tirada ugu badan ee codkooda ku go’aamiya, cida noqonaysa masiirka iyo hoggaanka ummadda, waxaan lagama maar-maan u aragnay in loo baahan yahay , Urur madax bannaan oo mideeya xooga haweenka dalka iyo umaddaba oo kala baahsanaan baddan darteed siyaalo kala duwan ay uga faa’iidaysato shaqsiyaad dannohooda uun ku gaadha.

Taas darteed ururka Billis-xaawaley oo ay ku midoobeen aqoonyahano, kala duwan oo rag iyo haweenba isugu jira, waxaanu noqonayaa  hada laga bilaabo, cod baahiyaha rasmiga ah ee Bulshada Haweenka.

Wuxuu dar-dar gallin doonaa oo hal ujeedo iyo hal dan ku mideyn doonaa, xooga dumarka ee aan awal lahayn cid xil gaar ah iska saarta.

Haweenku waa tiradda baddan ugu codeya sidaa daradeed waxa loo baahan yahay inay yeeshaan Urur ay hogaaminayaan oo ay madax u yihiin.”

Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida foollaadka jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Canada, gaar ahaan Magaalada Toronto, waxay u dhaqaaqda horumarka bulshada iyo arrimaha bini’aadanimaada.

Marwo Suhuur Xasan Abiib ayaa noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee Reer Somailand ee ku dhawaaqda Urur-Siyaasadeed la Magac baxay BILIS-XAAWALAY, arrintan ayaa ku soo beegtay kadib markii ay dhawaan shaacisay Xuuumadda Madaxweyne Biixi inuu furan yihiin Ururadii Siyaasadu, taas oo bulshada reer Somaliland si weyn u soo dhaweysay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com