“Marxaladda Maanta WADDANI Marayo Oo Aynu Ku Wadno In Uu Noqdo Xisbiga Somaliland Ugu Xoogga Badan Ayaan U Tanaasulay”….Cabddiqaadir-JIRDE.  DAAWO WACAN

Hargeysa,(Hayaannews)- Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu ka tanaasulay in uu u tartamo xilka Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo dhawaan la filayo in uu shirweynihiisa ku qabsado magaalada Hargeysa isaga oo sheegay in uu ka tanaasulay mansabkaasi wixii hadda ka dambeeyana uu noqon doono odayaasha xisbiga.

Siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo shir jaraa’id shalay ku qabtay xafiiska WADDANI ayaa isaga oo arrintasi iyo arrimo kale faahfaahinaya waxa uu yidhi:  “Shirweynaha xisbiga marka la qabto xeerka isbaddal baa lagu samayn doonaa. Labada xil ee kala ah Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah iyo Hogaamiyaha xisbiga labadoodaba xilkoodu waa uu dhamaaday. Qaab-dhismeedkii hore ee axsaabtu lahayd ayaa lagu soo noqonayaa. Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenno. Sida dimuquraadiyadda iyo milguhu inna faraysana xilalka waa loo tartami doonaa. Xil meel qof loogu qorayo oo lagu odhanayo qofkaasaa isla leh ama reerkaasaa iska leh ma jiro. Xisbiganna milgihiisu sidaa maaha. Reer meel wax loogu xardho oo lagu yidhi adiga ayaa kalidaa iska leh ma jirto. Dimuquraadiyadda ayaa inna faraysa in xilalka loo tartamo. Taasi waa qaaciido aan laga gudbi Karin. Waxa markaasi taalla Guddoomiyaha xisbiga. Waa loo tartamayaa. Dad badan ayaa xaq u leh in ay tartamaan dadkaasi ayuunbaan ka mid ahay anigu wax aan dheerahay ma jirto. Raggaasi xaqa u leh in ay tartamaan uunbaan ka mid ahay. Go’aanka ah in aan tartamo iyo in aanan tartaminna aniga ayaa iska leh. cid ila wadaagta oo xisbiga ahi ma jirto. Aniga iyo ilaahay iyo qoyskayga ayuunbay ka dhaxaysaa.

Markaa aniga oo duruufo badan xeerinaya waxa aan go’aansaday inaanan tartankaa loogu jiro guddoomiyaha ka qayb galin oo aanan tartamin sababo aniga ii gaar ah iyo marxaladda maanta xisbigu marayo iyo xisbigii aynu maanta ku wadno in uu noqdo xisbiga Somaliland ugu xoogga badan. Waa xisbiga maanta umadda oo dhammi ku soo socoto weeyi. Markaa waa in aan jaanis siiyo dadkii kale ee tartamayay. Anigu ninka labaad ee xisbiga ayaan soo ahaa muddo ku dhawaad shan sannadood ah.

Hawl wixii aan qabanayayna waan qabtay isnama lihi waxbaa kugu baaqday xisbiga odayaashiisa ayaan ka mid ahaa, hogaankiisa ayaan ka mid ahaa talooyin badan oo aan bixiyay ayaa lagu shaqaynayay oo lagu guulaystay maantana waxaan go’aansaday xisbigu dee maaha nin kaliyaale. Laba kun oo nin oo xilkaa qaban kara ayaa ku jira, rag badan oo aanu wax ka barbaarinay ayaa jooga markaa waxaan go’aansaday in aan jaaniska banneeyo tartanka ah. Xisbigii waan ka tagay maaha odayaasha xisbiga ayuunbaan noqonayaa. Waxaaban isku haystaa ninka malaha maanta xisbiga ugu da’da weyn in aan ahay.

Ducoyeelkii baan noqonayaa haddii Alla idmo. Caqabad kale ma jirto waa dimuquraadiyad waa aniga, Ilaahay iyo qoyskayga cid alliyaale iyo cid culays kale igu saartay ma jirto. Maba ahay horta nin culays lagu saari karo oo waad I taqaannaan. Lix iyo labaatan sannadood baan soo dhaqaynayay oo aan masuuliyadaa ugu badan soo hayay waxaan galo iyo waxaan gudaba umaddu way I taqaannaa.

Waa go’aan aniga shakhsi ii ah una arkay in ay tahay mid danta xisbigu ku jirto. In dad cusub la tijaabiyo sannadkaa doorashada innooga hadhayna in la isu lugo duwado oo xisbiga khilaaf laga ilaaliyo oo xisbiga la kobciyo oo ummad badan baa innagu soo socotee meel loo sii banneeyo oo aannaan odhan intayadii sii joogtay soo maroow malagaa gal. xulkuna waa meerto ciilna uma qabo oo xil intaasoo sannadood baaan soo hayay” ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

HALKAN KU DHUFO OO DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com