Mashruuc Malaayiin Dollar Ah Oo Laga Fulinayo Magaalada Berbera

Mashruucan waxaa qayb ka ah xoojinta dalxiiska, horumarinta xeebta Badda, maaraynta qashinka iyo casriyaynta beerta nasashadda Berbera

Berbera (#Hayaannews): Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa shalay laga daah-furay wejigii koowaad ee mashruuca horumarinta magaaladaasi oo uu maalgelinayo ururka Midawga Yurub, mashruucaasi oo sida la sheegay ku kacaya dhaqaale gaadhaya malaayiin dollar.

Mashruucani ayay kasbatay dawladda hoose ee Berbera, kadib markii qiimayn lagu sameeyay magaallooyinka ku yaalla xeebaha gobolka Geeska Afrika. Waxaana fulinta mashruucani ay dawladda hoose ee Berbera muhiimadda koowaad siin doonaa maamulka iyo maaraynta qashinka iyo weliba in laga sii faa’iidaysto qashinka.

Mashruucan horumarineed ayaa diirada lagu saarayaa kobcinta iyo Xoojinta dalxiiska, horumarinta xeebta Badda, hirgelinta barxadda la dhigto baabuurta, iyo casriyaynta beerta nasashadda Berbera. Lacagtaasi oo dhan 7 milyan oo dollar, waxaa bixinaya ururka Midawga Yurub.

Munaasibadii daah-furka wejiga koowaad ee fulinta mashruucaasi ee shalay waxaa ka soo qayb galay agaasimeyaasha wasaarradaha arrimaha gudaha, qorshaynta qaranka, hawlaha guud, iyo Maayarka iyo xoghayaha degmada Berbera iyo xoghayaha gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan.

Mashruucani waxaa dawladda hoose ee Berbera kala shaqaynaya wasaarradaha qorshaynta qaranka, arrimaha gudaha iyo hawlaha guud iyo guriyaynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruucani iyo meelaha ay ka fulin doonaa iyo goobaha ay muhiimadda siinayaan, waxaanu sheegay in ay muddo soo wadeen mashruucaasi uu maalgelinayay Midawga Yurub, ee horumarinta magaaladda Berbera, kaasoo ay degmadu xulatay afar qaybood in ay ka fuliso.

“In dalxiiska la xoojiyo, oo la horumariyo dalxiiska xeebta, ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee aanu qaban doono, beerta nasashadda (Green park), oo loo dalxiis tegi doonno, oo dhul aad u weyn oo 2KM ah, laga dhisi doonno.

Waxaa ku jira horumarinta barxadda (Truck park), gawaadhidda la dhigto. Maadaama oo gaadiidka ugu badan ama Soomaaliya haka yimaado, ama Jabuuti ha ka yimaadee, in ay Berbera isugu soo biyo-shubtaan, in gaadiidkasi uu hello addeegyadiisa iyo ka ugu muhiimsan oo ah maamulka iyo maaraynta qashinka, iyo weliba in laga sii faa’iidaysto qashinka (recycling) loo sameeyo, oo la sameeyo Dhaamka magaaladda u dhaw”.

Geesta kale, waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha hawlaha guud, qorshaynta qaranka iyo arrimaha gudaha oo ka mid ah xubnaha guddiga mashruucani horumarinta Berbra. Kuwaasi oo dhammaantood ba soo dhaweeyay mashruucani laga hirgelinayo degmadda Berbera, oo ay ku tilmaameen mid ay horumar ballaadhan u soo kordhin doona magaaladaasi.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: #Hayaannewssoma@gmail.com