Maxaa Keenay Inuu Madaxweyne Biixi Diido Inuu Saamaxo Col CAARE?
October 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ayaa shalay is Af-garad buuxa ka gaadhay soo af-jaridda arrintii buuraleyda waqooyi ee gobolka sanaag muddada ka taagnayd.
Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan, ayaa la iskula
qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda
waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo
deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu
cafiyo ciidamada ku sugan halkaas ee faraha la galay falalka liddiga ku ah
nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan
Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali
Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan
Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah
ergada nabadaynta, ayaa madaxweynaha la
qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu
madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta
nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn
shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka
qaranka.
Maayarka magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur,
guddoomiyaha gobolka Sanaag u qaabilsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,
Mudane Maxamed Xasan Jaamac Daadey, Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali iyo Suldaan
Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland
oo kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa si
buuxda u aqbalay go’aanka madaxweynaha, soona dhaweeyey cafiska uu u fidiyey
ciidankaas, iyaga oo sheegay inay si
rasmi ah u qaateen go’aanka xukuumadda ee ah inaan sharciga loo jebinin cid
kasta oo aanu Dastuurku oggolayn cafiskeeda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, waxa uu guddida u sheegay inuu nabadda darteed diyaar u yahay inuu
awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo, waxana uu
yidhi, “Hawsha inta xilka aan hayo ee madaxweynuhu oggoshahay ee aan awooddeeda
leeyahay waan qaadanayaa oo waan fulinayaa.”
Madaxweynuhu waxa uu madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey
dhammaanba ciidamada la socda Siciid
Caarre, isaga oo xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan
yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis
yihiin, “Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana
kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale
dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay,
sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u
baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan
yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii
wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo,” ayuu yidhi madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa dhankiisa taageero
ballaadhan u muujiyey in qaran ahaan la isla qaato in wada-jir loosoo af-meero
arrintaas, waxana uu tilmaamay inuu si buuxda usoo dhaweynayo go’aanka uu
madaxweynuhu ka qaatay arrinta gobolka Sanaag iyo ciidamadii arintaas
ku lug yeeshay ee madaxweynuhu cafiyay isagoo suldaanku ku hambalyeeyay
madaxweynaha talaabadaas, waxana uu yidhi, “Waannu kula qaadannay natiijada
go’aankeeda, waxana aannu ku dedaalaynaa sidaa aad noogu go’aamisay inaannu ku
dhammayno oo aannu kasoo qaadno arrin aan laga noqon karaynin, Arrinta aad
imika go’aamisay way noo caddahay, waanu kula qaadanayna arrinkaas.
arrinkaasina arrin dib looga noqdo ma ahee aan sidaas ku hambalyeyno
madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.”
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ergeda nabadaynta gobolka Sanaag ku ammaanay dhabar-adaygga iyo samirka ay arrinta ku wajaheen iyo sida ay uga go’an tahay in nabad waarta laga gaadho arrinta gobolka Sanaag, isaga oo ku adkeeyey in gacmaha la isu qabsado sidii loo soo gebo-gebayn lahaa shaqaaqada soo noqnoqotay ee deegaannada Ceel-Afweyn.” Sidaa ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah oo madaxtooyada ka soo baxay.