Maxaa Keenay Iscasilaada Xubinta Ka Tirsan Komiishanka Doorashooyinka Somaliland?

Hargeysa (Hayaannews): – Maxamuud Daahir Jaamac, oo ka mid ah xubnaha guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa iscasilay,kadib khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddida.

Sidaa waxa uu maanta ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi ”Waxan halka ka caddaynayaa madaama oo ay timid is qab qabsi iyo xaalado ka dhex abuurmay koomiishankii, waxan caddaynayaa, aniga ayay i joogtaa in aan qaran kayga u tudho, oo aanan xilka ilaashan, waxan halkan ka sheegayaa in aan qarankayga u tudhay oo aan leeyahay maanta laga bilaabo waan iska casilay “.

Xubintan is casishay ayaa kamid ahayd xubnaha golaha guurtida Somaliland ugu jiray guddida doorashooyinka, waxaana is casilaadiisu khasbaysa in golaha guurtidu ay dib usoo buuxiyaan jagada uu baneeyay.

Xiligan oo ay ahayd in ay bilaabanto diwaangalinta doorashooyinka soo socda ee Somaliland, ayuu khilaaf joojiyay shaqadii guddida doorashooyinka soo if baxay, kadib markii xubnaha koomiishanku ay doorteen guddoomiye cusub, isla markaana uu guddoomiyihii hore ee guddidu ku gacan saydhay is badalka.