Maxaad Ka Taqaana Bad-weynta Suugaantiisa Ee Abwaan Siddiiq-BURMAD?

Sidiiq Maxamed Burmad  mid ka mid ah Mashiinadii hoboladii Xidigaha–Geeska gacanta weyn ka gaystay, in ay Wacadaro ka dhigaan Masraxyada Hargeysa.

Hargeysa(#Hayaannews): Sidiiq Maxamed Burmad waa hal-abuur ereyadiisu ku labbisan yihiin Hibo iyo Farshaxannimo, nooceeda beryahan Naadirka ku ah suugaanyahanada. Waa Heello-maal heesihiisu baadi-sooc gaara leeyihiin, oo qofka in uun yaqaana curinta suugaanta, aanay kaga dhex lumayn(qasmayn) booshaaqa waayadan la tiriyo. Sidan waxa Faallo ku bixiyey oo qorey Shan Sanno ka hor, Xasan-Daahir Ismaaciil [#WEEDHSAME]. Feeggarida xarfo la baahiyey oo lagu qorey mareeg, kama dhigna in aynu gudnay abaalka Suugaanyahan murtidiisa lagu dhayo boogo milil noqday, oo baahan.  Wacyiga suugaaneed ee heerka sare leh, af-gaabnida iyo Mabda’a aan labac-labacda lahayn, ee shaqsiyaddiisa ku lingaxan ayaa sifo kuugu filan. Qarnigan 21-aad suugaan shilis ayaa uu dunida keenay, oo ay adag tahay inaynu maqli wayno.

Waa Durdur suugaaneed aan gudhin oo haaneedaya mucdii iyo miidii qofnimo. Wuxuu taageeray oo suugaantiisa mucda lehi soo saartay, hibadda codeed ee Hobollo cirkaa tagay, oo aan hadda caad qarin karin “Cadceed duhur joogta, sacabadu ma qariyaan”. Halkii ay lodkii hore  ugu jireen Maxamed Cali Kaariye, Sulub, Axmed Saleebaan Bide I.Q.KB. ayaa uu ugu jiraa jiilka dambe. Waa Caroog, loogu hadlo inta dareenadda kalgacaylku golongoliyeen. Cadad iyo tiro toona malaha inta uu Gar-yaqaan suugaaneed u yahay, ee miciinsata Weedhaha Maankiisa kasoo burqada. Khabiir weyn oo garaad ku ah ka dhex hadlida Quluubta dadka iyo Tarjumida Dhacdooyinka waayonololeed, ee ku xeeran. Suugaantiisu waa mid baadi-sooc leh oo rajo iyo yididiilo ku abuurtay Shaqsiyadayda. Sabankan fanka laga dayriyo, kolka aan Midhihiisa maqlo Culays badan oo welwel i galin jirey ayaa iga dega. Ka Sokow garashada iyo barashada aan bartay Sidiiq, ilaa hadda waa dadka sida gaarka ah ii saameeyay. Nin dad jecel, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga mahad sheegtaan. kolkii hore keligay ayaa ismoodayey inay aragtidaasi igu kooban tahay, balse Markhaatigaasi waxa ii furay Cumar Seerbiya oo sidan hoose ku qorey boggiisa:-

“Astaan gobonimo, adkaysi iyo walaalnimo,

Qof kasta oo ay duruufaha nololeed kulmiyeen, tan markhaati ayaa uu ka noqon karaa! Aniga oo og wanaagiisa ayaa aan arkaa dad kale oo ka mahad-sheeganaya. wanaag iyo Gacan-qabasho ayaa uu astaan u yahay”

Xirfadle ku dhawaad labaatan sanno ku dhex jirey Warbaahinta. Raadiyoow Hargeysa ayaa uu 2003-dii ka Hawl bilaabay, aadna waxa loogu  Xasuustaa Barnaamijkii “Xulashada Raadhiyoowga” isaga iyo Raxma Abu-Hurayra. Wallow waqtiyadii udambeeyay uu Laanta af-Soomaaliga, ee BBC-da uga waramayey Hargeysa.1983-dii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa. Shan sanno waxa uu ka shaqaynayey oo uu tabobare u ahaa, Weriyayaal isaga oo ushaqaynayey Haayad Holandiis ahayd, oo la odhan jirey  FREE PRESS. Shahaadada heerka koobaad/Degree-ga waxa uu ka qaatay Jaamacadda haayadda Shaqaalaha Somaliland.

Fasalka toddobaad ayaa uu ku bilaabay Suugaanta, sida uu ku sheeggay Waraysi laga qaaday. Afar goor ayuu uu ka qaybgalay tartan suugaaneedyo, waxaanu laba ka mid ah, galay kaalinta 3-aad, halka labadda kale uu ku guuleysay kaalmaha Koobaad iyo Labaad. Dhagteenu kolka ay maqasho magaciisa durba waxa qub inaga soo yidhaahda Heeso iskugu jira Guubaabo,

Daltabyo, Calaacal/Tawaawac iyo amaan mano-sheegashadu ku dheer tahay.

Sidiiq Maxamed Burmad  mid ka mid ah Mashiinadii hoboladii Xidigaha–Geeska gacanta weyn ka gaystay, in ay Wacadaro ka dhigaan Masraxyada Hargeysa.

Mar kale  waa Warshaddii soo saartay ama ina bartay Axmed Arshe iyo Cabdi-risaaq Anshax-ba, mucda heesaha uu u dhiibay darteed. Sidoo kale waa Suugaanyahanka leh, mid ka mid ah saddexdii heesood ee ibofurka u ahaa heesaha Nimcaan Hilaac.

Heestiisii ugu horeysay ee Miyuusig loo tumo ee uu alifey waxa ay ahayd, Xalaawatul Laws.

Halkan hoose ka daalaco Suugaanta uu curiyey gaar ahaan Heesaha Miyuusiga loo tumay, ee ay qaadaan Hobolladu.

Halkan hoose ka daalaco Suugaanta uu curiyey gaar ahaan Heesaha Miyuusiga loo tumay, ee ay qaadaan Hobolladu.

1] Yaa yidhi ma jiro caashaq

Oo jaahilnimo sheegtay

Dhibse yaa jacayl mooday

Oo garan jibada haysa

Kuna sheeggay jeefaafka— Codka Mursal muuse

2] Bestii weeyaan dartaa dheh

Illaa hadda muu bogsoon dheh

Bukaan weeyaan sidii dheh

Marwuu baaxaa dagaa dheh

Mar wuu isku buuqayaa dhe

Kiiyoo jooguu baxaa dheh

Baraaruga wuu nacaa dheh— Nimcan Hilac

3] Jacaylkuba ma biyo dhigin

Qalbi dhowr wadaagaan

Oo dhinac mid kala wada

Adna meel wax kula dhiga

Dhagax qudha haddaad laba

Dhimbirood ku wada dhufo

Way dhici isleedahay

Waanay kuu dhaboobayn.

Malaa dhaadi mayside

Waa dhimbiil hinaasuhu—- Barwaqo Qalanjo

4] Naftaydani waa liciife

Rabboow laabtayda daafac

Liibaantana igu hanuuni

Ladnaantana haygu hoojin—- Codkii BK

5] Xasuusta ayaamo aan xanibnaa

Xaniinka jacaylku xoog ubadnaa

Anoo xayirnaa Dartaa xawilnaa

Xawilnaa xogtayda halka aan ku sugna

Ahayd mid xumayd xasaasi ahayd

Adaa xuladkii Xamdaay damiyee

Xalaal dhaladeey Xalaawatul laws———-Nimcaan Hilaac

6] Waa loox-maxfuudkee

Liidnimo kumaan hadhin

Adna laydha guurkaay

Soo leexo maantoo

Sida geed lux maankoo

Laabtayda maanqaad—–Anshax

7] Waxaan guudka saarta

Eed aanan weli gelin

Waanan raali-geliyaa

Bal inaan la kala go’in—- BK

8] Dugsi loo hilloobiyo

Hadh-dacaar gabood male

Qunyar heego luudiyo

Hoosiisna jiif male

Hammo beena mooyee

Ragna hanasho reer male

Hel ugbaad lamoodaa

Mooyee han kale male

Been dumar kusoo hoy

Hadhawtana run kula dhaqan

Ragga waa u halhaysoo

Waa waxa haween baday—Ugbaad aragsan

9] Mar i dage i dagi maayo

Dibna noo furfurmaayo

Dayn maayo tuu maanku

Kulankeeda doonaayo

Niyaduna ku doogayso

Caashqu dan guud maha

Laba ruux dareenkooda

Waa dabar ma taaneeya

Qof kalo ka meel doona

Waa dulsare uma baahna——Codka A.arshe

9] Hormood meel aad u tahay

Halyey meel aad ka tahay

Kutahay hodanaad ku tahay

Qof haybad leh aad ku tahay

Dalkaaga laga helaa

Hargeysa laga helaa

Bulshadu waa habarwadaag

Hilbiyo dhiig wada dhashoo

Himilo ku midaysanoo

Hadafbay wada qabaan— Codka X.Geeska

10] Dalkaa kuu baahan kuu baahan

Barwaaqada aan helnee

Soo bixi soo bixi

Bulshooy soo bixi cashuurta- Codka

Xidigaha-Geeska

11] Bartu waa Garoon

Bogcadii ciyaaraha

Barbaartii lasoo xulay

Tartan loogu baaqee

Bulshayahay rag iyo dumar

Bilaaboo usaraca kaca

Sacab badan haloo tumo—Codka X.Geeska

12] Haweenbaa hoodo sheegta

Haweenbaa samo u hiisha

Haweenbaa qaran hagaaja

Haweenbaan hadimo beerin

Hog iyo booraan la eedo

Halbawlaha horumarkeenu

Iyaga weeyaan hubaale

Heerkiyo nabadaynu joogno

La’aantood lama heleenba—- Xidigaha Geeska

13] Anigu cidna uma xagliyo

Xukuumada lama safani

Xisbina waligay magalin

Xergaarahan uma shaqayn

Waxaan ahay Weriye xora

Dadka na xulafaysi nu nahay–X.Geeska

14]  Nabadeey Warkaa sheelan

Nin ku waayeybaa sheegga

Nasanoon habeen seexan

Noloshana ku guul seega–Xidigaha Geeska

15] Uduggaagu waa cuudka

Ama cadar isoo jiita

Carfigaagu waa gooni

Cid kaloo heshaa joogin

Midab kaagu waa caynka

Cirka dayax kasoo muuqda

Caddo-niidhi weeyaane

Carro-edeg dadkaa jooga

ma cidbaa ku gaadhaysa

calashaan ilwaadkeeda——–Axmed Arshe

16] Dugsiiya Alloow dejiya daalka iga bi’isa

Daymo qurux ilwaadloo indhaha duwata wiilkooda

Doojisa hankeygoo darmada wadhata laabtayda

Diif tira diihaalkiyo dhibtaba iga daryeelaysa

Oo halkaan ka doonaayo halkeed iga dareemaysa

Ii dul badanoo iina debecsanoo iina dumareysan—–Cabdi-risaq Anshax

17] Maxaan hagardaamo qabay

Hurgumo aan iga ba’ayn

Calool-xumo hadallo beera

Adoon eray ii hambeynin

Qasana toban goor la hoyday

Hayena aan kaa sugeyn

Nafteydaan kaa hareyne

Inaan jaro haybintaada

Awoodeedaanan haynine

Hadmaan caawana is keenay? C.Anshax

18] Mar waan kugu dawoobaa

Mar waan kugu durroobaa

Waxaad doojisaa laab

Caashaqu ku daabacay

Magacaaga deeqaay

Mar waa dudumisaa

Damaq baad ku reebtaa

Oo waad ku digataa

Naftan dabarku kuu xiray

Ama dayso oo dhowr

Ama daa I daayooo

Meel kale u diga-rogo—–C.Anshax

19] Inaaf iski dookhtihiin

Lamaame isdoortayoo

Ilaa xad isdeeqayoo

Isdaawada aad tihiin—– Bk

20] Qaadiroow alahayoow,adigu Qumane ii soo xul

Quruxdaada kaa hoo tidhoo,Weli qadhaabaysta

Laabtaada adigoo ku qorey ruux isqaban waayey

Oo qoolaali meel kale ka jecel,Qalanjo loo hooyey

Qof nool lagama quustay,Naftani qiil ka dhigataaye

Qaflad ruux ku sugan,shaw eleen male Qaneecaade——-Codka Xamda Cabdi Kinaal[ Kuwiin]

21] Wanaagu dhibaaga

Jacaylka dhantaaga

Xumaan udhafraaga

Shirqoolo dhigaaga

Dhanxiirka warkiisa

Dhexdeenu madeeqdo

Dhambaal xumayaasha

Dhexdeenu maqaado

Dhididkoodu ku kooban

Dhawaaqa Iblayska

Dhagteenu ka awdan–Yusuf Hanad iyo Asma Love

22] Ma beelbaa beel wax dheer

Miyaan bini’aadamkuba

Ka iman boodh iyo candhuuf

Hadmay kala baab noqdeen

Oo yaa qaarkood boqraday

Badhkood yaa hoos u dhigay.

Intaad dhaqamadan bahdilan

Ee aan diintuna bannayn

Buruudka u haysataan

Bulshooy waad liidataan—

23]  Ma ku tidhi hortay cidi i hoo

Oo i hano hoodo?.

Maku tidhi hortay waan ka helay hadal macaankaaga ?.

Anna hoo warkaygoo jacaylkaagu i hel maanta.

habluhuba markay soo gashay ila hagaasaane

Luqunteeda taakada hal dheer hilibka laalaabmay.

Hoogaanso kubabkeeda eeg kor iyo hoos buuxa.

Dibneheeda yaa kala hadhoo haysta ragi leeyay.

iyo dhaayo hanaqaa ku jara haamadiyo laabta.

Kol hadaanan kaa haysan karin hanatay laabtiiye.

Maysku kaa haleeyaa aduu hadal ku joogaaye.——–Axmed Arshe

24] Hugunkani ma faraxbaa?

Ma jacayl hirgalaybaa?

Ma labaa halkuu rabay

Hanku maanku laasimay?

Haasaawe meelmara

Dhaxalbaa ka hadhayee

Oo ma hoygalkiibaa?

Ma habeenno khayrlaa?

Hambalyaannu leennee

Anna heelladaydii

Soomaan u hagar bixin——-BK

25] Ulashadu jujuub maaha

Amar iyo i yeel maaha

Ikhtiyaar ka qaad maaha

Irrid xidhan garaac maaha

Adigoo qofkaad doontay

Aqbalaada kaa diiday

Daba orod hadana maaha

Isagana kadeed maaha

Ubaxeey ilamada jooji

Jacaylkana ka saar uurka

Urugada kadaa maaanka

Anna eedda hay saarin

Ubad iyo nin reer laanay

Oo oori qaba fiican ——Yuusuf Jeego

26]  Qalbigu wuu taamayaa

Wuxuu tabayuu rabaa

Tiiraanyana wuu qabaa

Tumaati ku kaysa oo

Ayaamo tilmaamanoo

Taguu sii dhaadayaa

Xusuusaha taabayaa

Midkaan u tasoobay iyo

Hargeysa kamaan tageen—Yurub Geenyo

27] Dab iyo axdigii digaad ka dhigtoo

Dubaaqiyo maanka waad dubatee

Anoo kuu dabacsanbaad dig tahee

Maxaad ka dudaa Aan  kaa daayee—Arshe

W/Q: Jamaal Ibraahim Dasuuqi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com