Maxamed Ilkacase Oo Ka Hadlay Ka Qaybgalkiisa Xaflada Caleema Saarka Axmed Madoobe
October 13, 2019 - Written by admin
Axmed Madoobe waa madaxweynayaasha ugu dhow dawlad gobaleedyada Somaliland ay saaxiibka yihiin, inagu Somaliland waxaan nahay dawlad gaar ah oo ka madaxbanaan Somaliya, in laysku khaldo maaha, siyaasadii cusbayd ee Somaliyana way is badashay markaas hadaanay Somaliland saaxiibo cusub ku yeelan waxa socda laftigeeda taasna dawlada Somaliland ayaan kula talinayaa, Farmaajo Somaliland cunaqabatayn ayuu saaray iyagana cunaqabtayn ayuu saaray ragaas isku qadiyad ayaanu nahay dawlada Kiiniya ayaana timi iyo masuuliyiin kale oo diblamaasiyiin ah, arintu caleemasaar way ka waynayd waxay ahayd dhoolatus siyaasadeed ee Somaliyada cusub ee danbe ee ay Somaliland wadahadli doonaan sansaankeedii ayaa socda, markaas Maxamed ayaan ahay cid isoo dirtay ma jirto aniga ayaa danahayga uga qaybgalay.”
Agaasime Ilkacase ayaa la waydiiyay in ay saamayn ku yeelan karo xisbiga uu ka tirsan yahay “ Dadku iyaga oo xisbigooda ku jira ayay Talyaaniga tagaan oo Faransiiska Tagaan oo Jabuuti Tagaan oo Ingiriiska tagaan markaas wax macno leh oo halkaas ku jira ma jiraan waana inaan saaxiibo xidhiidh diblamaasiyadeed iyo xodxodasho iyo arimo kaleba ay jiraan, Waxa kale oo madaxweyne ku xigeenka Jubaland sheegay in Faysal CalI Waraabe uu soo hadlay oo halkan ka hanbalyeeyay, waxaanay nagu hanbalyeeyeen sida fiican ee ay dadka Somaliland ugu muujiyeen caadifada dareenka dhibtii Farmaajo ku sameeyay, markaas wax dhib ku yeelan mayso xisbiga.”