Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukun ku Riday Dad Lagu Helay  Inay Ka Ganacsanayeen Duur-joogta

Hargeysa (Hayaannews) – Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun min hal sanno oo xadhig ah iyo qof kiiba 3 milyan oo shilin oo ganaax ah ku riday 5 nin oo 12 bishii hore ee March, lagu qabtay iyaga oo dhoofinaya 4 xabo oo harimacad ah.

Garsooraha maxkamada ayaa warbaahinta u akhriyay magacyada dadka la xukumay, da’adooda, iyo qodobada sharci ee ay ku gafeen, iyadoo ay halkaa ku sugnaayeen saraakiil ka socda wasaaradda deegaanka, 2 harimacad ah oo ka nool 4 tii lagu qabtay iyo 5 ta nin ee xukunku ku dhacay.

Waxaanu yidhi.”Maxkamadu waxay danbi ku heshay danbiilayaasha kala ah, Maxamed Maxamuud Ismaaciil, ina Shuun Cumar, oo 36 jir ah, Bashiir Cabdillaahi Muuse ina Xaliimo Gahayr, oo 35 jir ah, Mukhtaar Haaruun Ibraahin ina Sahra Xuseen oo 32 jir ah, Axmed Maxamuud Xasan ina Shukri Maxamed, oo 39 jir ah, Axmed Cumar Xaashi ina Shuun Xasan, oo 35 jir ah, kuwaasi oo ku gafay, qodobada 17, 27, 28 ee Xeer Lr 69, 2015″

Garsooraha ayaa ku dhawaaqay xukun iskugi jira xadhig iyo ganaax “Maxkamadu waxay ku xukuntay midkiiba hal sanno oo xadhig ciqaabeed ah, iyo ganaac maaliyadeed oo dhan 3 milyan oo Somaliland shilin ah, oo lagu shubayo qasnada dowlada, haddii danbiilayaashu ay bixin wayaana loogu badalayo xadhig ciqabeed u dhigma”.

Maxkamada ayaa wasaaradda deegaanka ku wareejiyay xanaanaynta laba harimacad oo kasii nool 4 harimacad oo dhawaan lagu qabtay danbiilayaasha ay maxkamadu xukuntay.

Maxkamda ayaa digniin u dirtay cidkasta oo ku foogan ka ganacsiga duur-joogta, isla markaana ka waantoobaan faldanbiyeedyadaasi.