Maxkamada ICJ Oo Diiday Codsigii Kenya Ee Dib U Dhigista Dacwadda Badda

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa diiday codsigii ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda kuna dalbatay in dhagaysiga dacwadda labada dal ee loo ballansan yahay 15-ka March dib loo dhigo.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Maxkamdda ICJ ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay maxkamaddu eegtay qoraallada ka soo gaaray labada dal ay go’aansatay in aan la bedelin waqtiga loo qorsheeyay in dacwadda la qabto oo ku beegan 15-ka bisha March. Dhagaysiga ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga ah, sida ay maxkamaddu qoraalkeeda ku sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan u gudbisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeybgali karin dhagaysiga loo ballansan yahay bisha danbe, iyadoo sheegtay in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn ku yeeshay howlihii guddiga qareennada ee ku matalaya dacwadda hortaalla maxkamadda.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo tallaabada Kenya ka jawaabeysa ay qoraal u gudbisay Maxkamadda, ayna ku caddaysay in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwadda bilaabanaysa bisha March, oo aysan dooneyn dib u dhigis kale.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa Khamiistii ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho in Soomaaliya ay diidan tahah codsiga Kenya ee ah in markii 4-aad dib loo dhigo dhagaysiga kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya labada dal.

“Waan diidnay codsigii 4-aad ee Kenya u gudbisay maxkamadda ICJ oo ahaa in dib loo dhigo dacwadda badda ee u dhexeeysa labada dal. Caddaaladda oo daahda, waa caddaaladda oo la diiday. Waa inaan tagno maxkamadda 15-ka March,” ayuu yidhi wasiirku.