Maxkamadda Sare Ee Somaliland Laashay Dacwaddaha Doorashadii Gollaha Wakiillada.

Hargeysa(Hayaannews)- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa gebi ahaanba laashay dacwaddo ay maalmihii u danbeeyey ay ku jirtay dhegeysigooda, kuwaas ka dhashay natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii isku sidkanaa ee Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee dalka qabsoomay 31 May 2021,kuwaas

Garsoorayaasha Maxkmadda Sare, ayaa dhageysiga dawladdaha ku jiray maalmihii la soo dhaafay, kaddib markii ay Maxkamadda Sare ka furmeen 28 Jun 2021, Fadhigaa oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo Sagaal garsoore oo kale, kuwaas oo kala ahaa , ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Maxamed Cumar Geele, Garsoore,Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Garsooe, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Garsoore, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsoore, Axmed Diiriye Qaalib, Garsoore, Yaxye Cali Idiris, Garsoore, Maxamed Faarax Siciid, Garsoore, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Garsoore,Cabdullahi Cabdi Aadam oo ay kaalmaynayso  kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Sahra Ismaaciil Cabdullaahi .

Sidoo kale, garoorayaasha muddadii ay ku jireen fadhiga dhegaysiga dacwaddaha, waxa kaal-maynayay kaaliyayaasha kala ah, Khadar Muuse Cabdi, Cabdisalaan Muuse Ducaale iyo Cumar Cabdiwahaab Siciid, iyadoo  dhegaysiga fadhiga buuxa (Full bench) ee maanta maxkamaddu  kusoo gebagebaysay dhegaysiga 8 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hor dhaca ahayd ee doorashadda gollaha Wakiillada Somalialnd.

Maxkmadda, ayaa sheegtay in iyadoo eeggaysa dacwaddaha ay dhegaysatay, isla markaana raacaysa xeerka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee la hal-maala ay maanta kasoo saaray go’aan siddeda dacwaddood, waxayna go’aan ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo sagaal garsoore oo ku kale ku sheegtay Maxkamaddu in la laalay dhammaan dacwaddaha ka yimi murrashaxiinta  u tartamay gollaha wadiillada Somaliland oo ahaa siddeed dacwaddood.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa lagu sheegay in Maxkamaddu xukuntay natiijadda hordhaca ah ee Komiishanka Doorashooyinku hore ugu dhawaaqeen, isla markaana dacwaooddaha ay sax tahay cabashadiisu aannay lahayn saldhig sharci. Sidaana ay kusoo saartay go’aanka ku taariikhaysan 3/7/2021, kaas oo ay saxeexeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali iyo Sagaal Garsoore oo kale, sida ku cad Dukumentiga ku lifaaqan halakan hoose.

Dhinaca kale, Fadhiga ay Maxkamaddu ku dhegaysatay dhammaan dacwaddaha waxay ahaayeen kuwo u  furnaa dadweynaha danaynaya in ay dhegaystaan, sidoo kale dhegaysigii waxa ka soo qayb galay kor-joogayaashii doorashada ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ahaa ee kormeerayay doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dalka ka dhacay 31 May 2021.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#MJ

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com