Meherad Ganacsi Oo La Magac-baxday ‘LEADER CEFETERIA’ Oo Nooceedu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Laga Furey MASSALLAHA.

Mulkiilaha meherada casriga ‘LEADER CEFETERIA, Marwo Nimco Xassan Gocoshe

“Meheradan Cusub LEADER CEFETERA” waxaad ka heli doonta cabitaano iyo cuntooyin fudud oo tayo leh,waxayna ka qeyb qaadan doonta shaqo-abuurka, iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada” Mulkiilaha Meherada LEADER CEFETERIA Nimco Xassan Gocoshe.

Hargeysa(Hayaannews): Cafeteria Casri Ah oo la magac-baxay ‘LEADER CEFETERIA’ ayaa xalay laga daah-furey Xaafada MASSALAHA ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey Xadhig ka jarida oo lagu qabtay Isla meherada dhexdeeda oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Xildhibaano, Culimaa’udiin, Haween iyo marti-sharaf kale oo tiro baddan.

Mulkiilaha meherada casriga ‘LEADER CEFETERIA, Marwo Nimco Xassan Gocoshe oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ku guuleysatay inay si rasmiya u furtay meherada ‘Leader Cafeteria, oo wax baddan ku soo kordhin doonta bulshada reer Somaliland, isla markaana ay ku caweyn doonaan kana heli doonaan cuntooyinka fud-fudud, noocyada kala duwan, ee sharaabka oo tayadiisu sareyso ee HA MOOGAAN  ‘LEADER CEFETERIA.

“Meherradan Leader Cafeteria waxay kaalin-weyn ka qaadan doonta daboolista baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, sida cabitaano iyo cuntooyin fudud oo tayo leh, waxa kale oo ay ka qeyb-qaadan doonta shaqo-abuurista, iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada”. Ayey tidhi Marwo Nimco Xasan Gocoshe.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac ‘RAMBO”, Xoghayaha Dawlada Hooe ee Caasimada Hargeysa Siciid Nuur iyo Sheekh Mubaarig oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa si isku mida ugu duceeyey meheradan casriga ee LEADER CEFETERIA inay noqoto mid daboosha baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, isla markaana ILAAHAY barakeeyo oo lagu badhaadho, waxaanay si isku mida bulshada ugu baaqeen inay dhiiri-geliyaan oo ay cuntooyinka fudud iyo sharaabada kala duwan ee tayadoodu sareyso laga cabaa si ay u horumarto.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com