Mike Pompeo Oo Dhallaaceeyey Hab-Dhaqanka China Ee Muslimiinta
October 11, 2019 - Written by admin
USA(Hayaannews):-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike
Pompeo ayaa sheegay in sida ay China ula dhaqanto muslimiinta, oo ay ku jiraan
dadka Uighurs ee Galbeedka China, ay tahay “Xadgudub weyn oo ka dhan ah
xuquuqda aadanaha.”
Pompeo
ayaa ballan-qaaday in Washington ay sii wadi doonto inay arrintan dadka ku baraarujiso.
“Tani
ma ahan oo kaliya xadgudub weyn oo ka dhan xuquuqda aadanaha, balse sidoo kale
ma rumeysnin inay tahay wax u wanaagsan dunida, ama in China ay ku lug yeelato
dhaqan noocan ah.” Ayuu Pompeo ku yiri wareysi uu siiyey taleefishinka PBS.
Mar waxa
laga weydiiyey in madaxweynaha China Xi Jinping uu mas’uul ka yahay, Pompeo
waxa uu yiri “Xi Jinping waxa uu hoggaamiyaa dalka, sida askariga u hoggaamiyo
tankiga, wax kasta oo dalka ka dhaca adigoo madax ah ka ahna, mas’uul ayaad ka
tahay.”
Si ay
Beijing ugu ciqaaabto hab-dhaqankeeda ka dhanka ah muslimiinta laga tirada
badan yahay, ayaa dowladda Mareykanka waxay toddobaadkan ballaarisay liiska
madow ee ay ku jiraan saraakiisha sare ee China ee laga mamnuucay inay helaan
Visa-ha ama dal-ku-galka Mareykanka.
Pompeo
ayaa axaddii ugu baaqay dhammaan dalalka caalamka in ay diidaan dhaqan celinta
China ay ku hayso muslimiinta Uighurs, isaga oo sheegay in ololaha China ee
gobolka galbeedka ku yaalla ee Xinjiang uu yahay “isku day ay ku tirtireyso
muwaadiniinteeda.”
QM iyo
kooxaha u dhaqaaqa bulshada ayaa sheegay in ugu yaraan hal milyan oo ah dadka
Uighurs lagu hayo xerooyin xabsiyo ah.