Mohammed bin Zayed Oo Booqasho Ku Tegaya Turkey

Abu Dhabi(Hayaannews): Laba sarkaal oo Turkish ah ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan, oo ah hogaamiyaha maldahan ee Imaaraatka Carabta uu booqasho ku tagayo Turkiga, xilli ay awoodaha ku loollamaya gobolka ay ka shaqeeynayaan hagaajinta xiriirkii xumaaday.

Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa waxaa u dhexeeyay loolan dhanka saameynta ah tan iyo markii uu kacdoonkii Carabtu curtay toban sano ka hor.

Labada dal ayaa kala taageeray dhinacyada iskaga soo horjeeda dagaalka sokeeye ee Libya, iyadoo khilaafkoodu uu ku faafay bariga Mediterranean-ka iyo Khaliijka.

Sarkaal Turkish ah ayaa sheegay in Erdogan iyo Sheikh Mohammed ay ka wada hadli doona xiriirka labada dal, ganacsiga, horumarka gobolka iyo maalgashiga.

Mas’uul kale oo Turkish ah ayaa sheegay in booqashadu ay “horumar muhiim ah u tahay hagaajinta xiriirka gobolka iyo yareynta xiisadaha,” laakin waxa uu sheegay in waqtiga rasmiga ah ee booqashada aan wali la cayimin.

 

Reuters