Muhaajiriin Ku Dhintay Doon Ku Degtay Meel u Dhow Lampedusa
October 8, 2019 - Written by admin
Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyootay kadib markii doon ay
saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Lampedusa, sida ay
maanta sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga.
22 qof
oo kale ayaa badda laga soo bad-baadiyey.
Doontan
siday muhaajiriinta ayaa rogmatay ayada oo doon ay leeyihiin ilaalada ay isku
dayeysay inay muhaajiriinta kasoo qaado meel badda ah oo 10 km u jirta
Lampedusa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ilaada Xeebaha.
Doomo
iyo diyaarado qumaati u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaada Xeebaha
Talyaaniga ayaa weli raadinaya dad la la’yahay.
Warbixino
laga soo xigtay mas’uuliyiinta Sicily oo ay soo waceen muhaajiriinta ayaa
sheegaya in qiyaastii in ka badan 50 qof ay saarnaayeen doonta.
Ururo
aan dowli ahayn ayaa sheegay in ku dhowaad 30 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan
sideed caruur ay suurta-gal tahay in la la’yahay.
Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 muhaajiriin ah ay illaa iyo hadda sanadkan dhinteen, ayaga oo ka isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub.