Mulkiilihii Telefiishanka ASTAAN TV Oo Lagu Xukumay Xadhig Iyo Ganaax Lacageed


Hargeysa(Hayaannews): Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa maanta Cabdimanan Yuusuf oo ah mulkiilaha Astaan TV, ku xukuntay 5 Sanno oo xadhig ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale Telefiishanka Astaan Tv ku soo rogay xayiraad ka dhan ah inuu ka sii shaqeeyo Somaliland iyo ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah lacagta Somaliland ah.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaabta intaas le’eg,  isagoo illaa bishii July ku xidhnaa xabsiga magaalada Hargeysa.

Qareenada u doodayay ayaa sharci-darro ku tilmaamay xukunka lagu riday mulkilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay.

Ururka Saxaafadda Somaliland ayaa si kulul u  cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland